CABAYS.COM
Haayada Caalamiga Ah Oo Weli Ka Werersan Xaaalada Coladeed Ee Somaliland Iyo Putland
July 9, 2018 - Written by Adan A. Caydiid

Warbixin kooban oo ay soo saartay International Crisis Group 27 ka bishii lixaad 2018, waxa ay kaga warrantay xogteeda la xidhiidha iska horimaadka hubaysan ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulgobaleedka Soomaaliya ee Puntland ku dhex maraya Tukaraq oo ay ku tilmaamtay magaalo Istaraatiiji ah oo furin u noqotay dagaalka ay labada dhinac ugu jiraan gacan ku haynteeda.

Hay’adda ICG waxa ay sheegtay in iskudhacyada hubaysan ee labada dhinac dhexmaray tan iyo bishii koowaad ee sannadkani ay yihiin 20, marka laga soo bilaabo dagaalkii ay siddeedii Jeenaweri Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq oo ay hore u haysteen ciidamada Puntland. Waxa aanay sheegtay in dagaalladaas ay ku dhinteen daraasiin ciidamada labada dhinac ah.

Hay’adda ICG waxa ay sheegtay, dagaalkii Somaliland ku qabsatay Tukaraq oo ku beegmay xilli uu madaxweynaha Soomaaliya booqasho ku joogay maamulgobaleedka Puntland, in loo fahmay in ay tahay farriin ay Somaliland madaxweyne Farmaajo iyo dawladda Soomaaliya uga digayso in ay ku lug yeelato colaadda halkaas ka jirta.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Puntland ay 15-kii bishii shanaad weerar ku qaadday ciidamada Somaliland ee aagga Tukaraq, iyada oo doonaysay in ay dib u soo ceshato gacan ku haynta dhulkaas. “Markan, dagaal xooggan oo labada dhinac dhexmaray ayaa la soo wariyey in ay ku dhinteen dagaalyahanno boqol ku dhow oo labada dhinac ah. Waxa aanu noqonayaa iska hor-imaadkii ugu dhimashada badnaa ee illaa hadda labada dhinac dhexmara” ayaa lagu yidhi warbixinta. Waxa aanay intaas ku dartay in dagaallada dhimashada keenay ee sannadkan dhacay kaddib, ay labada dhinac is weydaarsadaan hadallo colaad abuuraya, ciidamo dheraad ahna soo dhoobayaan jiidda hore dagaalka, isla markaana ay diideen diblumaasiyaddii Qaramada Midoobey ka dhex wadday.

Saamaynta uu dagaalku ku yeelanayo mustaqbalka siyaasadeed ee madaxweyne Gaas

Warbixintan ICG waxa ay ka hadashay, saamaynta uu dagaalka Tukaraq ku yeeshay sumcadda madaxweyne Gaas iyo in uu qayb ka noqday go’aaminta waxa uu noqonayo mustaqbalkiisa siyaasadeed ee Puntland. Iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay warbixintu sheegtay in qabsashadii Somaliland ee Tukaraq iyo khasaarihii cuslaa ee Puntland gaadhay intii ka dambaysay dagaalkaasi, uu hoos u dhigay Puntland. Sababna u noqday in siyaasiyiinta iyo dadweynaha caadiga ahiba ay dhalleecayn u jeediyaan maamulka Puntland iyo madaxweyne Cabdiweli Gaas. Waxa kale oo lagu sheegay in ay jirto sabab Cabdiweli Gaas ku riixaysa in aanu colaaddan joojin. “Madaxweynaha waxaa saaran cadaadis badan oo faraya in uu tallaabo qaado, gaar ahaan waxaa sii qasbaya doorashada madaxweynaha ee la filayo sannadkan dabayaaqadiisa oo uu rajaynayo in uu mar labaad ku guulaysto talada” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waxa ay sheegtay in qabsahada Tukaraq ay shaqada koowaad u tahay madaxweyne Gaas, oo ay sheegtay in toddobaaddii u horreeyey bishii Juun, uu guddoomiyey kulamo taxane ahaa oo taageero loogu raadinayey dagaal la qaado; waxa aana ugu dambeeyey khudbaddii uu ka horjeediyey baarlamaanka maamulgobaleedka oo uu wacad ku maray in uu xoreeyo dhammaan dhulka uu sheegay in ay Somaliland ka haysato. Laakiin maadaama oo aanay guushu gacantiisa ku jirin, ballanqaadyadaasi waxa ay u horseedi karaa hoos u dhac iyo dhibaato hor leh. Warbixinta oo arrintaas ka hadlaysaana waxa ay tidhi, “Laakiin kor u qaadista rajada dadka [Ee ah in dhulkaas dib loo soo qabsanayaa] waa khamaar uu madaxweynuhu ciyaarayo. Waa run in markaas la taagan yahay uu midho siyaasadeed ku helayo, gaar ahaan marka la eego cadhada dadweynaha ee ku jihaysan Somaliland. Laakiin dib u soo qabashadaas uu ballanqaadayo oo uu ku guuldarraystaa, waxa ay ku yeelanaysaa cawaaqib foolxun oo god ku ridi karta rajada uu ka qabo in dib loo doorto”

Saamaynta ay colaaddu ku yeelanayso Somaliland

Warbixinta hay’adda xasaradaha adduunka waxaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland oo keliya aanay ahayn cidda hadallada colaadda abuurayaa ay ka imanayaan, balse ay sida oo kale ka imanayaan dhinaca madaxweynaha Somaliland, oo ay sheegtay in uu mar yidhi, “Haddii ay dagaal doonayaan, diyaar baan u ahay. Waxa aanan u dhigi doonaa casharkii aan baray [Siyaad Barre]”

Culayska uu dagaalku labada dhinacba ku hayo

Warbixinta waxaa lagu sheegay in dagaal ka dhaca Tukaraq uu maamul gobaleedka Puntland ku noqon doono furin labaad oo u soo raacda tii hore ugu furnayd ee deegaanka Galgala. Halkaas oo ay dagaallo adagi ku dhex maraan kooxo Islaamiyiin ah oo ay DAACISH-ta Soomaaliya ka mid tahay.

“Dhinaca Somaliland, waxaa muddooyinkii u dambeeyey jiray cadho gudaha ah. Xukuumadda madaxweyne Biixi, waxa ay waajahaysaa colaad beeleedda soo noqnoqotay ee Ceel Afweyn, oo gaobalka Sanaag ah, taas oo u dhexeysa laba beelood oo ka tirsan laba qabiilo oo waaweyn oo Isaaq ah” Colaaddaas ayaa warbixinta lagu sheegay in sii hurinteeda ay qayb ka tahay xanaftii doorashadii madaxweynaha ee dhacday dabayaaqadii sannadkii 2017 ka. Waa aanay intaas ku sii dartay in doorashadaasi ay kordhisay loollankii goballada iyo beelaha u dhexeeyey.

ICG waxa ay sheegtay in mucaaradadda gudaha ee Somaliland ay keeni karto xasilooni darro siyaasi ah. Halka colaadda Puntland ka dhaxaysaana ay dhaawici karto sumcaddii sida adag ay Somaliland kaga heshay gobalka iyo dunida ee ahayd in ay tahay meel uu ka jiro nidaam xasiloon oo si fiican loo maamulo. Deeqaha muhiimka ah ee Somaliland lagu caawiyo oo uu horumarkeedu ku xidhan yahay, ayaa sees u ah in ay samayso horumar waara oo dhianca dawladnimada ah, sida oo kale waxaa caawiyey habkii nabdoonaa ee ay xal ugu raadin jirtay khilaafaadka abuurma. Dagaal ka dhaca Sool iyo Sanaagna waxa uu abuurayaa khatarta ah in uu maydhmo meeqaamkaas ay Somaliland ku leedahay dunida.

Digniin

Warbixintu waxa ay ka digtay in iska horimaadka Somaliland iyo Puntland haddii uu sii adkaado, uu sababi karo colaad dabadheeraata oo cawaaqib xun ku yeelata Somaliland iyo Soomaaliya, suurtagalna ay tahay in ay sii huriso xasilooni darrada imikaba ka jirta Soomaaliay. “Waxa ay sababi kartaa barakac, waxa aanay fursad iyo dhul siin kartaa xoogagga Islaamiyiinta ah ee Alshabaab iyo farac ka mid ah DAACISH oo inkasta oo aanu badnayn, dhulkaas jooga” ayaa lagu yidhi warbixinta ICG.

Xal raadin

Warbixinta hay’adda ICG dawladaha iyo dhinacyada kale ee caalamiga ah ee la shaqeeya Somaliland iyo Puntland waxa ay ku canaanatay in ay dhayalsadeen khatarta ka iman karta colaadda Sool. Inkasta oo ay ka reebtay ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Michael Keating oo ay sheegtay in safarkii diblumaasiyadeed ee uu Hargeysa iyo Garoowe isaga dabqaaday uu ugu yaraan sababay in si kumeelgaadh ah ay xaaladdu u degto. “Inkasta oo markii dambe ay labada dhinacba hindisihii uu watay ku diideen” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta ICG waxa ay madaxweynaha Soomaaliya ku ammaantay baaqyadiisii nabadda ee uu labada dhinac u soo jeediyey, iyada oo sheegtay in intaas wax ka badan aanu arrintan ka qaban karin. Waxa se ay ugu baaqday in aanu joojin ee uu sii wado, dhinaca kalana waxa ay uga digtay in uu qaado tallaabo kasta oo muujin karaysa in Muqdisho ay colaaddan Sool kula safantahay Puntland. Sida oo kale waa in uu Madaxweyne Farmaajo wanaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay madaxweyne Gaas, Somalilandna dib ula furo wada hadalladii joogsaday, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Dhinaca Itoobiyana waxa ay warbixintu sheegtay in dalkan oo xidhiidho fiican la leh maamullada Soomaalidu uu hore si weyn arrimahan oo kale wax uga qaban jiray, dhexdhexaadin iyo xabbad joojin degdeg ahina u dhicin jirtay, laakiin imika intii uu talada la wareegay raysalwasaare Abiy Axmed uu xaalku isbeddelay. Waxa ay warbixintu sheegtay in inkasta oo uu raysalwasaaruhu Muqdisho yimi, haddana uu u muuqdo in uu aad ugu mashquulsanyahay arrimo la xidhiidha diblumaasiyadda Afrika iyo isbeddel uu ka wado gudaha dalkiisa. Waxa ay se ugu baaqday inuu arrinta Tukaraq wax ka qabashadeeda u soo jeesto, gaar ahaanna xoojiyo dadaalka Qaramada Midoobey ee arrintan la xidhiidha.

Gunaanad

Ugu dambayntii hay’adda xasaraha adduunku waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in xaalka colaadda Tukaraq aanu illaa imika faraha ka bixin, meel weli wax laga qaban karayana uu joogo, laakiin loo baahan yahay dadaal ka yimaadda dhinacyada shisheeye iyo Qaramada Midoobey, oo Somaliland iyo Puntland ku qasba in ay arrinta nabadgelyo ku dhammeeyaan.

Waxa ay Qaramada Midoobey kula talisay in ay dib u soo noolayso dhexdhexaadintii ay labada dhinac ka dhex bilowday, iyada oo markan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo iyadu xidhiidh fiican la leh Somaliland iyo Puntland ka codsanaysa in ay la xoojiyaan dadaalkeeda dhexdhexaadinta ah. “Itoobiya oo xidhiidh dhow la’ leh Somaliland iyo Puntland labadaba, horena u caawisay in ay dejiso muranno labada dhinac u dhex maray, ayaa ay tahay in ay xoojiso dadaalka Qaramada Midoobey. Dhinacyada kale ee saamaynta leh, oo ay ku jiraan dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo deeqbixiyeyaasha reer galbeedka, ayaa ay tahay in iyaguna ay sidaas yeelaan” ayaa lagu yidhi warbixintan. Waxa aanay Qaramada midoobey si gaar ah ugu soo jeedisay in ay taageerto hindiseyaasha nabadaynta ee maxalliga ah, oo ay sheegtay in ay ka dhex jiraan labada dhinac ee colaaddu u dhexeyso, gaar ahaan culimada diinta ee saamaynta leh iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka. Si gunta looga soo unko dadaalka dib-u-heshiisiinta. tallaabadan ayaa ay hay’adda ICG ku sheegtay mid midho dhal ah oo hore uga soo shaqaysay meelaha kale ee colaaduhu ka dhaceen ee Soomaaliya iyo Somaliland labadaba.

COMMENTS