CABAYS.COM
Halkee ku haboonayd in loogu magacdaro Madaxweyne Siilaanyo ?
December 9, 2017 - Written by Cabays

Cabays Media:-  Aragti ayuu muwaadin kastaa ka qabaa dhacdo kastoo saamaysa bulshada Somaliland, gudo iyo dibadba.  In madaxweyne Siilaanyo loogu magacdaro xarunta ama rugta buugaagta ee Qaranka Somaliland ee Somaliland National Library iyaduna waa mid dhalinaysa doodo xambaarsan aragtiyo kala duwan. Ka dhiibashada  aragti in Madaxweyne Siilaanyo loogu magac daro Librargii bulshadu 5 sano la xarbiyeysay, iyaduna waa mid dood dhalinaysa.

Muwaadin ahaan su’aalo ayaan is weydiiyey ka muwaadin ahaan, aragti ayaanan ka qabaa in Somaliland National Library loogu magac daro madaxweyne Siilaanyo, oo bari si rasmi ah loo furayo.
Horta in madaxweyne Siilaanyo loogu magac daro Library-ga ama goob weyn oo bulshada ka dhaxaysa waa aragti aad u wanaagsan oo ay tahay in la soo dhaweeyo, oo lagu sharfo madaxweyne Siilaanyo oo runtii qadarin weyn inaga mudan. Inkastoo caadiyan marka qof loogu magac darayo loo eego sida ay ula xidhiidho goobta loogu magac darayo iyo kaalinta uu ku lahaa iwm.

Hase ahatee ka muwaadin ahaan waxa aan is weydiinayaa ma qorshe hore u yaalaya in madaxweyne Siilaanyo loogu magac daro Somaliland National Library-ga baa jiray,  haddii jawaabtu tahay haa, waxa mudan in maalinta furitaanka la inooga jawaabo su’aalaha hoos ku dhigan.

  • Maxaa bulshadu ula xarbiyeysay dhismaha lirbary-ga oo in ka badan 5 sano u socday dhismihiisu?
  • Maxaa intii uu qabyada ahaa la inoogu sheegi waayey in loogu maga-darayo madaxweyne Siilaanyo?
  • Kharashka ku baxay intee ayey boqol-kiiba laga bixiyey dakh-liga qaranka?
  • Maxaa maanta keenay in loogu magac daro madaxwyene Siilaanyo?
  • Sidoo kale Hutel-ka Cali Jirde isna waxa ku haboonaa in loo bixiyo Siilaanyo Hutel?
    Waayo dhulkii Women’s Club ee Hargeysa ee danta guud iyo maal-qaran ayaa la galiyey,
  • Markaa miyaanu isna ku haboonayn in loogu magac-daro madaxweyne Siilaanyo?

Ku darsoo Library-ga wax la dhisayey oo lala xarbiyey 5 sano oo ku dhan, halka Huteel-ka marwadu dhisatayna lagu dhamays tiray mud aad uga yar!

Labadaa gooboo iyamaa ku haboon in loogu magac daro, waa huteelka laga dhisay, lagu dhisay dhul iyo hanti qaran iyo goob bulshadu 5 sano la xarbiyeysay oo shilimo ay iska soo gureen laga dhisay dhul dan guud ahoo aan u gacan galayn dad gaar ah sida Cali Jireh Hotel oo ah astaan muujinaysa sida aan loola gaban in hatida ummada inta la boobo haddana lagu faano bulshadu waxay iyadu dhexdeeda dhisatay.

Siilaanyo Memo Siilaanyo Lib

 

 

 

 

 

Maxay kula tahay arimahaas kor ku xusan?
Fadlan aragti hufan ka dhiibo, aflagaadona reeban.

Qore C/laahi Maxamed Cali

 

COMMENTS