CABAYS.COM
Hambalyada Madaxweynaha JSL Ee Sanadka Cusub 2019
December 31, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeisa somaliland)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda Sannadka Cusub ee miilaadiga 2019-ka awgeed, kuna beegan 25-ka bisha Rabiicu-taani, 1440-ka ee sannadka Hijriga uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan gudaha iyo dibedda dalka.

Madaxweynuhu mar labaad waxa uu Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu Hambalyo iyo Salaan u dirayaa dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, Qaybaha Ciidamada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku kala nool yihiin.

Madaxweynuhu waxa uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ALLE uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa kale ku gaadhaan Nabadqab, Barwaaqo, bash-bash iyo Horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu Shucuubta Caalamka u rajaynayaa in Sannadka 2019-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni taama.

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS