CABAYS.COM
Haweeneey Aflagaadaysay Madaxweynaha Turkiga Oo Maxkamad La Soo Taagay
June 29, 2019 - Written by Cabays

Istanbul (Cabays Media)- Haweenay siyaasiyad ah oo caan ah ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Istanbul ayadoo loo haysto eedaymo la xiriira in ay aflagaadaysay Madaxweynaha Trukiga, Recep Tayyip Erdogan.

Wararka ayaa sheegay in Kanan Kavtangioglu, oo madax ka ah laan ka tirsan xisbiga calmaaniga ah ee Republican People’s Party, ay mudan doonto 17 sano oo xabsi ah haddii dambigaas lagu helo. Xisbiga mucaaradka ah ayaana doorashadii ka dhacday magaalada Istanbul uga guulaystay xisbiga talada haya ee AK. Boqolaal qof oo gacansiinayey Ms Kavtangioglu, ayaa Jimcihii soo buux dhaafiyey maxkamadda, balse maxkamadaynta ayaa dib loogu dhigay 18-ka bisha dambe ee July.

Ikram Emamoglu, oo dhawaan ku guulaystay xilka maayarka magaalada Istanbul, oo ay gabadhan isku xisbi yihiin ayaa eedaymaha loo soo jeediyey Ms Kavtangioglu, ku tilmaamay kuwo “Sumcadeeda siyaasadeed lagu xumaynayo”. Waxa uu intaas ku daray in tallaabadani ay tahay “mid lagu xakamaynayo xorriyadda iyo xuquuqda hadalka” waxa uuna sheegay in uu garab taagan yahay. Emamoglu, ayaa aqlabiyad mug leh uga adkaaday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Turkiga Ben Ali Yildirim, oo doorasho ku celis ah ay ku tartameen jagada maayarka magaalada Istanbul, kaddib makii la baabi’iyey natiijooyinkii hore.

Ms Kavtangioglu, ayaa lagu maxkamadaynayaa qoraallo ay ku soo qortay barteeda twitter-ka oo ay qaarkod qoraty lix sano ka hor. Ms Kavtangioglu, ayaa ku eedaysan in ay “aflagaadaysay” madaxweyne Erdugan iyo xukuumadda Turkigaba, oo ay faafisay dacaayado argagixiso. Wararka ayaa sheegaya in hadalladaas loo haysto ay la xidhiidhaan dibad-baxyadii xukuumadda looga soo horjeeday ee dhacay sannadkii 2013 laguna taageerayey xisbiga “la mamnuucay” ee PKK.

Sida dadka wax falanqeeya ay sheegayaan Ms Kavtangioglu ayaa kaalin wayn ka ciyaartay guusha Emamoglu, kaas oo soo afjaray 25 sano oo xisbiga talada haya ee AK uu xukumayey magaalada Isanbul. Doorashada maayarka Istanbul ayaana loo arkayey in ay tahay afti dadweyne oo loo qaaday xukunka madaxweyne Erdugan, kaas oo horay u yidhi: “Ciddii Istanbul ku guulaysata, ayaa Turkiga oo dhan ku guulaysatay”.

COMMENTS