CABAYS.COM
Heshiiska DPW,JSL iyo Ethiopia Wadagaleen1/3/18 wuxuu buriyey ansixintii heshiiskii hore
March 5, 2018 - Written by Cabays
Cabays
Cabays Media Maqaal:  Ma Weecsin Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi ama FidhinleQurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale  !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise ..Waa Deman iyo Daad wararac !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab galkeedii ee bal aan hoos u dego !
Dekeda Berberi Waa isha Dhaqaalaha dalka, Waa difaaca madax-banaanida dalka, waana gor-gortanka iyo xidhaha Siyaasadeed ee ictiraaf raadinta Jamhuuriyada Somaliland sidaa daraadeed waa in ay inoo goysaa qiime ka badan 30%. Waa in ay inoo go’ysaa ictiraaf, waa in ay inoo go’ysaa in passaporkeena UAE ka lagu galo !!
Waxaa Dekeda Berbera qaybteeda hore oo 300 mitir ah bilaash inoogu dhisay Dawladii Federaalka aheyd ee Ruushka 1964 – 1968 .Waxaa Qaybta labaad oo 350 mitir ah bilaash inoo dhisay Dawlada Mareykanka sanadkii 1982, Taa soo dhererka Dekeda Berbera ee waqtigan kadhigaysa 650 mitir . labada wadan ee hore umaalgeliyey Dekeda berbera waxay biyaha badda Dekeda hoos uqodeen ilaa iyo 11m, halka cabirka moolka hoose ee  Dekedaha  casriga ah ee  Aduunku yihiin ilaa 15 m.  Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa dekedan qiimahaa  leh laynoogu bedelay oo laynoogu qiimeeyey ? Ma waxaynu siisanay Deked  yara balaadhin ah oo 440 mitir ah oo aan la garaney goorta la dhisaayo? ma waxaynu siisanay saldhig melateri iyo colaad iyo Dagaal aaney dani inoogu jirin ? bal adba !!
Bal aynu dib u yara milicsano Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera ee Xukuumadii Siilaanyo la gashay Shirkada DPWorld taariikhdii 9/5/2016 Heshiiskan oo ahaa laba dhinac Saamiyada waxaa loo qaybsaday sidan DPWorld oo leh 65% iyo Somaliland oo leh 35%, heshiiskaa nuxur kiisa Saamileyda qodobkiisa 15-aad ee saami qaybsigu wuxuu dhigayey in aaney labada dhinac midna iibin karin saamiyadeeda 5 sanadood ee hore taas oo heshiiskii sadexgeesooska ahaa ee dhawaan DPW, Somaliland iyo Dawlada Ethiopia wada galeen taariikhdii 1/3/2018 ka dhigaysa heshiis qayrul  sharci ah. Waxaa kale oo shacabka Somaliland liqi kari waayeen qodoban hoose oo u baahan in ummadda loo bayaamiyo:
1- Waxaa la sameeyey shirkada Somaliland investment Company oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa ee shuruucda dhismaha shirkadaha Somaliland. waxaa laysku raacay in shirkadani ay hoosta kaga lingaxantahay heshiiska DPWorld oo lagu ugaadhsanaayo.
2- Heshiiskan cusubi ee sadexgeesoodka ahi wuxuu burinayaa heshiiskii hore labada dhinac u galeen
3- Heshiiskii hore Somailand waxay laheyd  saami dhan 35%, DPWorldna waxay laheyd 65% , shacabka JSL may fahmin sababta Somaliland 5% ay Eithiopia u siisay.Halka heshiiska cusub Saamiyada loo qaybsaday DPW 51%,Ethopia 19% iyo Somaliland 30%, taas oo shacabka Somaliland ay u arkaan in asadkoodii iyo hantidoodii ma guurtada aheyd lagu dul qaybsaday.
4- Labada Heshiis si cad ayey isu burinayaan maadaama labada dhinac ee DPW iyo JSL midna aanay saami iibin Karin  shanta sanadood ee hore oo heshiiskii hore ay sidaa ku kala saxeexdeen.
5- Waxaa wasiirka arimaha debedu uu sheegay in mashruuca Berbera Corridor ay ku bixi doonto lacag dhan $240 Million taas ay Dawlada Ethiopia bixin doonto $80 Million , DPWorldna $80 million, Hadaba waxaa Wasiirka looga fadhiyaa in uu ummadda u cadeeyo cida bixinaysa $80 Miilion ka kale ee haday ?
Waxaa aqoonyahanada fo’aan araga ahi isku wada raaceen in Saamiga 30% ee Somaliland loo guntay aanu sax aheyn kana turjumeyn in Somaliland Dekeda Berbera iyadu  leedahay. Waxaana laga dhawaajiyey in mar hadii ay DPWorld leedahay Saamiga ugu badan oo ah 51%  taa soo u saamaxaysa in ay yeelato xubnaha boodhka ugu badan sidaa daraadeed ay beri cidii kale ee ay doonto ka sii iibin karto kuna wareejin karto. Waxaa nasiib daro ah in heshiiskan uu weli mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay sidaa daraadeed waa in heshiishkan dib loogu soo celiyaa kefedii sharciga oo Golaha Baarlamaanka la hor keenaa si ay u naaqishaan ugana doodaan  ka dibna u ansixiyaan.
Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro samaan ooman baa yimiye !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom

COMMENTS