CABAYS.COM
Heshiiska Nairobi: Mar kale miyaa SOMALIA la qiyaani rabaa? (Maxaadan ogeyn)
December 1, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Nairobi)Somalia waxa ay aqbashay in ay qeyb ka noqoto heshiis ay dowladaha  Kenya, France, Madagascar, Seychelles and Djibouti ku wadaagayaan mukhaabaraad badda ah si looga hortago kalluumeysiga sharci darada ah iyo wasakhda lagu shubo xeebaha badweynta India.

Arbacaddii ayey wadamadaas kor ku xusan wada saxiixeen heshiiskaas, walow Somalia oo qeyb ka ahayd shirkii dhawaan Nairobi ku soo gabagaboobay ee Blue Economy aysan wali heshiiska qallinka ku duugin.

Hase ahaatee, waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalanaya ogolaanshaha Somalia ee ah in ay qeyb ka noqoto heshiiskaas wadaaga mukhaabaraadka badweynta Hindiya. Maxaa ka mid ah?

  • Yaa ka soo shaqeeyey heshiiskan?

Sida la’isku raacsan yahay, wadamada waxa ay siyaasadooda arrimaha dibadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee ay galayaan ku saleeyaan danihiisa “National Interest”, hadaba, sidee ku yimi hindishan oo ayaa daaha gadaashiisa ka riixaya?

Waxaa dhici karta haddii aan la’iska indha tiro arrintaas oo aan la’iska baandheyn in Kenya tahay cidda soo dhoodhoobtay heshiiskan oo halis ku noqon kara dalkeena.

Sidee ayuu saxiixa heshiiskan ku sameyn karaa muranka badda ee Somalia iyo Kenya u dhexeeya?

Wali maxkamadda cadaaladda ee aduunka (ICJ) waxaa ka socota dacwadda kiiska Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya, taas oo jirta, waxaa dhici karta in Kenya ka dhex aragtay hindisahan in ay ku indha sarcaadiso kiiskaas oo heshiiskaas uu wiiqo halka ay Somalia ka taagan tahay dacwadda.

 Somalia ma u baahan tahay in ay sharci yaqaano kala tashato arrintan inta aysan saxiixin heshiiskan?

Caadiyan wadamada inta aysan gelin heshiisyo ku keeni kara cawaaqib xumo qaran, waxa ay sameeyaan xuuraansi iyo rog rogid dhinac walba oo ku saabsan faa’idada iyo khasaaraha ka dhalan kara heshiisyada ceynkaas ah.

  • Gunaanad

Dowladda Somalia waxaa la gudboon in ay fiiro dheer u yeelato heshiiskan oo aysan ku gelin madax madax. Sidoo kale waxaa la gudboon in ay tashi ka gasho oo iyada oo fiirineysa kiiska Badda ee maxkmadda yaal sida uu u sameyn karo oo aan sidii Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur meel mugdi ah looga saxiixin warqad dhawr sadar ah oo dalka halis ku noqon karta sidii dhacday 2009.

COMMENTS