CABAYS.COM
Hogaamiyayaasha Wadamada Muslimka oo isku raacay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.
May 19, 2018 - Written by Cabays

Shirkan degdega ah ee madaxdaasi yeesheen ayaa waxa uu yimid kaddib markii ciidammada Israa’iil ay dileen ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo maalintii Isniinta ku dibadbaxayay xadka Israa’iil ee Qasa.

Bayaan ka soo baxay dhammaadkii shirka ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka waxaa uu ku eedeeyay Israa’iil inay si arxandarro ah u laysay shacab Falastiiniyiin ah.

Ururkan oo ay ku midoobeen 57 dal ayaa waxa uu sheegay in Falastiiniyiinta ay u baahan yihiin ilaalo caalami ah waxa ayna ku baaqeen in la dhiso oo deegaanada Falastiiniyiinta loo daadgureeyo ciidammo gaar ah oo arrintaasi fuliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ka qeybqaatay dilalka loo gaystay Falastiiniyiinta iyo inuu dowladda Israa’iil ku taageeray in safaaraddii Mareykanka laga soo raro Tel Aviv oo la geeyo magaalada Qudus.

Israa’iil ayaa ururka Xamaas oo maamula Marinka Qasa ku eedaysay inay soo abaabusho dibadbaxyada iyo dadka rayidka ahna ay u horseedayaan halis.

COMMENTS