CABAYS.COM
Hogaankii Tigray-ga oo u firxaday caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba – Yaa sheegay?
November 30, 2020 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Dagaalka Tigray) – Wararka iyo warbixinada ka soo baxay Addis Ababa iyo caasimada Koonfurta Suudaan ee Juba ayaa sheegaya in maalin horeba hogaankii kooxda ka talinaysay gobolka Tigray ee dalka Itoobiyana muod 27 sano ah ka soo talinayey ee TPLF ay ku sugan yihiin magaalada Juba.

Sida ay qortay Sudan Posy oo xubno dublamaasiyiin ah ka soo xigatay warar hoose, ayaa waxa sheegayaan in magaalada Juba ku sugan yihiin hogaankii TPLF oo uu ugu sareeyo Debretsion Gebremichael. Dawlad Itoobiya ayaa la sheegay in ay Axdii ogaatay in madaxdii TPLF ku sugan yihiin magaalada Juba, ka dib markii safiirkii u fadhiyey halkaasi, Amb.Fisseha Shawl uu si deg deg ah uga soo baxay magaalad Juba, isagoo dawlada Koonfur Suudaan ku wargaliyey sobobta uu u baxayo oo ah in uu ka cadhooday in hogaankii TPLF caasimada Juba si qarsoodi ah u joogaan.

Amb. Fisseha Shawl, ayaa la sheegay in uu Addis Ababa deg deg u yimid, saacado ka dibna markii uu warbuuxa siiyey xukumadiisa in dawlada Itoobiya mudo 72 saacadood u qabato diblamaasiyiintii dalka Koonfurta Suudan u joogaya Addis Ababa iyo guud ahaan dalka Itoobiya.

TPLF hOG

 

 

 

 

 

Goormay tageen hogaanka TPLF Juba?

Ilaa iyo hadda ma cada goortay ay tageen, hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in hogaank TPLF ay maalmo hore iskaga baxeen magaalada Mek’ele ee caasimada u ah gobolka Tigray oo ciidamaa Itoobiya awood badan saareen in ay ku qabtaan madaxda TPLF. Sidoo kale lama oga sida ay uga baxeen ee ay ku tageen magaalada Juba oo u jirta Mek’ele in ka badan masaafad saddex kun oo km ama afar saacadood oo duulimaad diyaaradeed oo toos ah. Hase ahaatee ku sugitaanka ay hogaanka TPLF ku sugana yihiin magaalada Juba, waxa ay beeninaysa warkii hogaanka ciidanka Itoobiya ee sheegayey in TPLF hogaankiisii ku dhuumanayo buuro iyo godad yar yar dhaxdood, isla markaana ciidamada Itoobiya soo qabanayaan.

Yey kula kulmeen Juba hogaanka TPLF?

Ka sokow madaxda dalka Koobfur Suudaan oo sida muuqata u ogolaaday in ay dalkooda gaboodsadaan, haddana maalintii sabtidii ee bishu ahayd 28ka bisha 11aad, waxa magaalada Juba booqasho ku tagey madaxweynaha dalka Masar, Cabdifataax Al Zizi oo la sheegay ujeedada uu halkaa u tageyba waxa aya ahayd in uu la kulmo madaxda TPLF oo kaga soo horeeyey. Hase ahaatee ma jiro war rasmi ah oo dawlada Masar iyo ta Koonfur Suudaan ama TPLF arinkan ku sheegeen oo xajiijin ama beenin ah.

TFPL

 

 

 

 

 

 

 

Dagaalka TPLF & Itoobiya ma galay jawi cusub?

Haddii uu xaqiiq noqdo warka sheegaya in madaxdii TPLF ay gashay, una baxsadeen dalka Koonfur Suudaan, waxa talaabadaasi horseedi kartaa in dagaalkii Tigray noqday mid la isla dhaafay xuduuda Itoobiyo iyo ta dhanka Eritariya oo la sheegay in ay dagaalka kaga jirto dhanka waqooyi ee gobolka Tigray. Sidoo kale haddii madaxweynaha Masar booqashadiisii Juba uu kula kulmay madaxda TPF, waxa ay muujinaysaa in Masar dagaalka Itoobiya iyo kooxda TPLF ay u aragto fursad ay cadaadis ku saari karan Abiy Axmed oo u joojin la xaga arinka biyo qabatinka weyn ee Itoobiya dhisanayso . Arimahan oo dhami waxa ay u gadiyayaan dagaalka Tigray kuwo galay marxalad culus.

Waxa la eegaaba in kooxaa TPLF ay ka soo mudhaan magaalada Juba iyo in kale iyo sida ay xukumada Itoobiya uga falceliso, marka laga reebo caydhinta diplamaasiyiinta ay dalkooda ka saareen imika.

Halkan kala soco wararka dagaalak Tigray oo galay xaalad cusub.

Cabays Media

London UK

 

COMMENTS