CABAYS.COM
Hoggaanka ONLF oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa
December 1, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Addis Ababa)

Subaxnimadii saaka ayay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa wafdiga uu horkacayay guddoomiyaha ONLF, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan.

Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida oo uu kamid yahay wasiirka maaliyadda , madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, mas’uuliyiin ka socotay dalka Kenya, dad shacab ah iyo odeyaasha dhaqanka.

Guddoomiyaha ONLF, Admiraal Maxamed Cumar Cismaan oo saxaafadda kula hadlayay Addis Ababa ayaa sheegay in halgankooda ay si nabadgelyo ah kusii wadi doonaan isla markaasna uu ku rajaweyn yahay in shacabka ay nabadda ka shaqayn doonaan.

Wuxuuna sidoo kale ka dhaawjiyay inuu u kici doono Dowlad Deegaanka Soomaalida soo dhaweynta kaddib.

Wafdigan ayaa la filaya in maalinka berito ah ay gaaraan magaalada Jigjiga.

Waxaana waddooyinka magaalada Jigjiga lagu sharxay calanka ONLF iyo calanka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dhawaan ayay aheyd markii boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee jabhadda ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo siday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ururka ONLF ayaa in ka badan 20 sano dagaal kula jiray dowladda Itoobiya, waxayna u dagaallamayeen in gobolka Soomaalida uu madaxbannaani ka qaato Itoobiya inteeda kale.

Dowladda Itoobiya ayaa ururka ONLF ka saartay liiska argagixisada si loo ambaaqado dib u heshiisiinta , nabadda iyo isbaddalada ka socda dalkaasi.

COMMENTS