CABAYS.COM
Hoos U Dhac Ku Yimid Xukunnada Dilka Ah Ee Dunida – Halkase Soomaalidu Kaga Jirtaa?
April 15, 2019 - Written by Cabays

CabaysLondon -UK (Cabays Media)– Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso hoos u dhac ku yimid xukunnada dilka toogashada  ah ama daldalaada ah marka loo eego Sanadkii 2017kii.

Amnesty International ayaa sheegtay inay hoos u dhacday xukunka dilka toogashada ah ee la fuliyey Sannadkii 2018 marka la barbar dhigo tiradda la fuliyey sanadkii 2017, waxaana hoos dhaca xukunnada dilka ku yimid safka hore kaga jira dalalka Shiinah, Iiraan, Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ahaa waddamadii hore u fulin jiraytiro tiro ahaan xukumada dilka ah ee caalamka ka dhaca kuwa ugu badan.

Warbixinta Amnesty International qortay ayaa sheegaysa in sanadkii 2017  xukun dil ah lagu fuliyey dad gaadhaya 993 qof,  halka sanadkii 2018 xukuno dil ah lagu fuliyey 690 qof taasoo ka dhigan in 31% ay u hoos u dhaceen xukunnada dilalka ee laga fuliyo caalamka.

Amnesty International ayaa xustay in wadamada ay kamid yihiin Belarus, Japan, Singapore, South Sudan iyo Mareykanka ay sare u kaceyn Xukunada dilka ah ee laga fuliyo.

Dalka Shiinaha ayey hey’addu sheegtay in Xukunnada dilka ah ay hoos u dhaceen illaa 50% taasoo ka dhigan inay Shiinaha wax ka baddal ku sameysay Sharciyada xukunnada dilka ee dalkaas u hore ugu yaallay.

Sidoo kale hey’adda ayaa liiska wadamada  ay xukunnada dilalka hoos u dhacen kusoo dartay dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Pakistan.

Warbixinta  Amnesty International, gaar ahaan qeybta Soomaaliya ee ka hadleysa inay Xukunada dilalka hoos u dhaceyn ayaa banaanka usoo bixisay hadal heyntii ku saabsanayd inuu Madaxweyne Farmaajo diido saxiixa xukunnada dilalka, maadaama uu heysto Dhalasho dalka Mareykanka, oo taana loo raaci karo haddii lagu dacweeyo xukuna cadaalad daro ah in uu fuliyey.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya, ayaa dil ku ku xununta xubnaha Al-Shabaab ah ee la soo qabto, laguna helo in ay hore dilal qorshaysan u geysteen, iyo sid in askar dad shacab ah laayey oo iyagana dil lagu xukumo,

Ilaa haddana ma jirto qof lagu fuliyey xukun dil toogsho ah taasoo fududeysay inay soo bataan dilalka Muqdisho ay geystaan Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Fadaraalka maadaama ayna walaac iyo cabsi ka qabin in dil lagu fuliyo xukun maxkamadeed ah.

Inkastoo Warbixinta Amnesty si gaar ah u soo qaadin, haddana Somaliland ayaa iyadana mudo dheer aan la fulin xukunada dilka, waxaana inta badan ka wood roonaada habka Beelaha oo mago iyo xisaabtan dilal hore oo ay kala geysteen lagu xaliyo  qaab mag-kala qaadasho ah. Sidoo kale madaxweynihii ugu dambeeyey ee xukun dil ah saxeexay ayaa ahaa madaxweyne Cigaal, siiba xiliyadii uu dalka xasilinayey oo ay dhaceen dilal badheedh ah oo lagu beegsaday dad qaab colaad beeleed loo dilay, inakstoo madaxweyne Cigaal laftiisu markii dambe dhimay saxeexa fulinta dil maxkamadi xukuntay, tan oo ay culayskeedu keenay beelaha magta kala qaadanaya iyo cadaadis caalami ah oo hay’adaha sida Amnesty oo ka soo horjeeda in dil qof lagu fuliyo, xataa haddii uu dil geysto oo iyaguna saamayn ku yeeshay xukunada dilka ah ee Somaliland.

Markase la isku soo duubo, waxa muuqata in guud ahaanba u yaraaday fulinta xukumada dilka ah guud ahaanba dunida, walow ay sii bateen falalka dilka ah ee dadka loogeysto.

COMMENTS