CABAYS.COM
Hubkii iyo halkii laga qabsaday ciidanka Puntland oo la soo bandhigay
May 16, 2018 - Written by Cabays

Cabay Media – (Laas-caanood) –  Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa madax kala duwan oo xukumada iyo Golaha Wakiilada JSL geeyey goobihii ay ka qabsadeen ciidanka ururiska ah ee Puntland. Waxa goobta hore saldhigyo u ahayd ciidadnka Puntland la geeyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL , Baashe Maxamed Faarax oo ay weheliyaan xildhibaanda ka soo jeeda gobolka Sool ee ka tirsan Golaha Wakiilada JSL, Wasiirka Arimaha Biyaha, Saleebaan Cali Koore  iyo xubno xukumada JSL ka mid ah iyo madax gobolka Sool ah.w

Wararka ka imanaya goobta ay hadda ku sugan yihiin ciidamada JSL oo la sheegay in ay tahay 15km dhanka bari ee tuulada Tukaraq ka xigta, waxa madaxda halkaasi gaadhay la tusay hubka iyo saanadii laga furtay ciidamadii Puntland ee weerarka soo qaaday.

Halkan hoose ka eeg sawirka madaxtii halkaa tagtau iyo tani Puntland laga qabsaday

Tank PTL

 

 

 

 

 

 

Waa hubkii laga furtay Puntland oo ciidanka JSL oo bandhigeen

Sareeye Gaas Nuux Taani oo sharaxaya noocyada hubka iyo goobaha ay ka qabsadeen Puntland

Wasiirka Gaashaandhiga & Gudoomiyaha G. Wakiilada JSL & xubno xukumada ah oo dhageysanaya warbixinta ciidanka

 

COMMENTS