CABAYS.COM
Isgaarsiinta deegaanka Tukaraq oo hawada Laga Saaray Iyo Xaalada Degaanka Oo Laga Cabsi Qabo
May 16, 2018 - Written by Cabays

Laascanood(Cabays Media )Wararka laga helayo deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa waxay sheegayaan in saakay aanu halkaasi ka jirin wax isgaarsiin ah.

Dadka ku dhaw deegaankan ayaa xaqiijinaya in ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiintii oo aan la ogeyn cidda Labada Ciidan ee sida dhabta ah u jartay ama haddii ay jiraan cillado soo gaaray qalabkii Isgaarsiin ee halkaasi yaallay.

Ma jirto cid kala dhexgashay ciidanka Somaliland iyo kuwa Puntland ee ku dagaallamay Tukaraq, iyadoo illaa xalay dagaallada ay soo gaareen.

Labada dhinac ayaa isku eedeynaya in midba midka kale uu ka dambaayey weerarka dagaalkii shalay dib uga billowday deegaankan.

Baaqyo kala duwan ayaa ka soo yeeraya qaybaha kala duwan ee Bulshada oo ku aadan in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka deegaanka Tukaraq.

COMMENTS