CABAYS.COM
Isku-dayga Mideyntii Jabhadaha SNM iyo SSDF — Q…2AAD W/Q: Cali Cabdi Coomay
June 29, 2019 - Written by Cabays

Kulankii Weftigii SNM iyo Kornayl Qadaafi.
Kornayl Qadaafi oo hore loogu sheegay inay SNM diidayso heshiis dhexmara labada jabhadood oo cadho cirka maraya ayaa loo geeyey weftigii SNM. Waxaanu ku yidhi” Idinka SNM dib-u-socodka ayaa idin taageera, oo idinkuna dib-u-socod ayaa tihiin oo khaliijka ayaa lacag la idiinka soo diraa”. Markaa SNM-tii ba wuxuu ka soo qaaday niman carabta khaliijka jaajuusiin u ah. Markuu hadalka lahaa aad buu u xanaaqsanaa. Weftigii SNM ayaa guddoomiyahoodii Sheekh Yuusuf Sheekh Cali hoosta waraaq uga dhiibay oo ku yidhi” waar ninka inaga celi”.

Ka dib Sheekh Yuusuf ayaa hadalkii qaatay oo yidhi” Al-akhul Qaa’id” (walaalka hoggaamiyaha ah, oo Qadaafi ayaa loogu yeedhaa), annagu waxa aannu kuu aragnaa nin u dagaallamaya shucuubta dhibaatad iyo dulmiga haysato ee la gumaysanayo, waxa aad noo tahay ramaska (astaanta), kifaaxa iyo nidaalka shucuubta dulman, annagu fikirka aannu kaa haysanaa waa kaas. Reer galbeedka iyo warbaahintoodu, NEW YORK TIMES iyo THE GUARDIAN, waxa ay kaa qoraan ma rumaysano. Waxa ay ku yidhaahaan Qadaafi waa irhaabi (argagixiso)”. Markii uu hadalka dhammaystay Sheekh Yuusuf Qadaafi juuq muu odhan, wuxuu la hadlay ku xigeenkiisii Jaaluud, waxaanu yidhi” Jaaluudow, Cabdilaahi Yuusuf hal milyan oo dollar sii, qolodana tikidhada u goo meeshay ka yimaadeen ha ku noqdaane”.

Weftigii SNM oo ka soo ambabaxay Liibiya
Weftigii SNM ayaa sidaasi kaga soo baxay goobtii uu ku sugnaa Kornayl Qadaafi, waxaana loo soo qaaday xagaa iyo madaarka caasimada si ugu soo dhoofaan Itoobiya. Markii lagu qaaday baskii geyn lahaa madaarka oo uu la socdo wasiirkii warfaafinta Liibiya ayuu weftii SNM ku yidhi” waar miyaad waalan tihiin, ninka aad la joogteen miyeydaan garanayn?” Mayee waa Qadaafi”.

“ Waar magaciisa ayaan hoos loo dhigi Karin, waar intuu idin qaado ayuu saxaraha idin geyn karaa, ama safiirka Soomaaliya halkan u jooga ayuu farta idinka saari oo toos Muqdisho la idiinka dejin karaa. Miyeydaan ogeyn wixii Muusa Sadar ku dhacay ninkii mucaaridka reer Muritaaniya? Waxba kuma aha inuu safiirka Soomaaliya idiin dhiibo oo yidhaado, “Siyaad Barrow igala wareeg waa kuwii midnimada diidanaaye. Nimanyahow intaad meesha ka tegaysaan is banbaaniya, ninkana sidaasi looma hadli karo”. Markaa Liibiyaanki waxa ay yidhaaheen xaggaa iyo Itoobiya isla qabta labadiina jabhadood. Waxaana la soo raaciyey sarkaal sirdoon ah.
Labadii Wefti ee SNM iyo SSDF ayaa ku soo noqday Itoobiya
Markii ay labadii wefti ka soo dageen caasimada Adiis, ayey kulanno kale dhaceen oo lagaga hadlayey midow dhexmara labada jabhadood. Shirkan waxa sidii hore oo kale googjoog ka ahaa wufuud kala metalaysay Liibiya iyo Itoobiya. Weftigii SNM ayaa ku adkaystay in aanay diyaar u ahayn wax ay wadaagaan oo aan ahayn idaacadda ka dhaxaysa labada jabhadood.

Markaasi ka dib ayey saraakiishii ka socday labada dawladood ee Itoobiya iyo Liibiya ee shirka u joogay inay labada dhinac isu soo jiidaan faraha kala baxeen. Sidaasi ayuu ku burburay wadaxaajoodkii u socday labada jabhadood. Dhammaan macluumaadkan iyo qormadii ka horraysay waxaad ka heli karaysaa buugga laga qoray madaxweynihii afraad ee Soomaalilaan Axmed Maxamed Maxamuud “ Siillaanyo” ee uu qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com

COMMENTS