CABAYS.COM
Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Ku Saabsan Nidaamka Dhaqaalaha
September 19, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) –  Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide, ayaa soo saaray go’aan ah inaan shacabka Itoobiya lagala wareegi karin wixii ka yar hal milyan iyo badh oo ah lacagta hore ee la bedelayo ee Itoobiya, wakhtigan lagu gudo jiro beddelka lacagtii hore ee Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa toddobaadkan Jibriga Jigjiga ku qabtay lacag dhan laba boqol oo kun oo birr oo ay kala wareegeen muwaadin u dhashay dalka Itoobiya, gaar ahaan kililka Soomaalida, iyadoo lagu gudo jiro beddelaada lacagtii hore ee Itoobiya.

Talaabadan oo ay ka cadhoodeen Soomaalida Itoobiya ayaa waxay sababtay in Wasiir Shide shalay soo saaro go’aanka ah inaan lala wareegin karin wixii lacag ah ee ka yar hal milyan iyo badh ee dalalka deriska laga soo gelinayo Itoobiya.

 

 

 

Cabays news.com

COMMENTS