CABAYS.COM
Itoobiya Oo Qiratay In Ay Iyadu Faafisay Sawirkii Khariidada Soomaaliya Lagu Raaciyey Dhulka Itoobiya
May 27, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media)- Kadib xaalad jaha-wareer ah oo uu dhaliyay sawirkii ay shalay baahisay wasaaradda Khaarajiga waddanka Itoobiya ee Muujinayay khariidadda dalka soomaaliya oo la raaciyay dhulweynaha waddanka Itoobiya, taasi oo xukuumadda Itoobiya oo ka hadashayna aanay darifin ayaa soo baxaya falanqayn iyo hadal badan oo la xidhiidha ujeedada dhabta ah ee iyo sida sawirkaasi uga baxay faraha Itoobiya.

Dad badani waxa ay ku doodayaan in uu hannaan qorshaysan sawirkaasi u baxay oo uu yahay xaqiiqada qorshe weyn oo u yaalla waddanka Itoobiya oo ku aaddan Mustaqbalka khariidada bariga Afrika iyo siyaasadeeda la xidhiidha.

Dadka siyaasadda u kuur galaa waxa ay sheegayaan in arrinkaasi ahaa mid lagu cabbirayay ra’yul caamka shacabka dalkaasi Soomaaliya iyo sida ay uga fal celiyaan.

Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

Qoraalka oo la soo dhigay isla Website-ka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: “Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo laab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan”.

Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, ayaanay ilaa iminka dowladda taagta daran ee Soomaaliya ka hadal waxa hadal koooban ku cudur daartay dawladda Itoobiya oo durba ka saartay bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xidhiidhaa ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay khariidadda Somaliland oo iyada magaceeda oo rasmi ah lagu xardhay gaarka looga soo reebay khariidadii wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

COMMENTS