CABAYS.COM
Jidka U Dhaxeeya Guriga Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Xarunta CID-da Oo Lagu Jaray Kaabado
May 29, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Hargeisa-JSL) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa Waddada hor marta Hoyga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa waxa uu dhigay Kaabado waawayn kuwaasi oo la dhigay inta u dhaxaysa Gurigiisa iyo Xarunta CID da ee Magaalada Hargeysa.

Goobtani uu Kaabadaha dhigay Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland ayaa ka mid ah Wadooyinka Mashquulka ah ee Gudaha Caasimada Hargeysa gaar ahaan Xaafada Shacabka waxaana xusid mudan ay goobtani ku dhow dahay xarunta Dambi Baadhista CID da oo dhinaca Konfureed ay ka xigto Waddada Wadnaha,halkaasi oo ay ku taalo Inshaaro kuwa Gaadiidka kala haga ah inkasta oo aanay Xiligani Shaqayn.

Dhanka kale waxa ay muujinaysaa Talaabadani uu Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Gurigiisa hor dhigay Kaabadaha Waawayn in ay Jirto ama Muuqaato Xaallad amni maadaama Kaabadahani laga isticmaalo Deegaanada ama Magaalooyinka ay ka jiraan Xaaladaha Amni daro kuwasi oo laga cabsi qabo Weerarada Joogtada ah ama Qaraxyada,

Geesta kale waxa xusid mudan in Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi uu isna Xidhay Laba Waddo oo hor mara hoyga uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa markii loo doortey xilka Madaxwaynenimo kuwaasi oo ay kala kulmeen Dhibaato Dadka la dariska ah Hayga Madaxwayne Biixi.

Talaabadani ay ku kaceen labadii Masuul ee ugu sareeyey dalka ayaa muujinaysa cabsi ay ka qabaan weeraro ka dhan ah Guryahooda maadaama ayna jirin goobo kale oo qaranka u muhiim ah kuwaasi oo amaankooda la adkeeyey, waana markii ugu horeysay ee Masuuliyiinta qaranka ugu sareeya ay xidhaan Waddooyinka hor marat Guryahooda tan iyo intii ay Somaliland gaarka isku taagtay.

COMMENTS