CABAYS.COM
Kenya Iyo Somaliland Miyey Isaga Soo Dhawaadeen Intii Hore?!
June 29, 2019 - Written by Cabays

Nairobi (Cabays Media)- Waxaa aad usii kordhaya xidhiidhka ka dhaxeeya jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Kenya, xilli uu sii xumaanayo xidhiidhka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Xidhiidhka  ayaa gaar ahaan sii karaar qaatay sannadkan kadib markii uu muran dublamaasiyadeed ka dhex qarxay dowladda Kenya iyo Soomaaliya, murankaas oo yimid markii ay labada dowladood isku fahmi waayeen dacwad maxkamadda adduunka hortaala oo ku saabsan muran dhul badeedka ah.

Somaliland waxa ay xafiis dublamaasiyadeed ka furatay magaalada Nairobi, halka Kenya ay sheegtay in ay wakiil u direyso magaalada Hargeysa.

Intaas kuma aanay ekaanine, Kenya waxa ay wafti xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale isugu jira u dirtay Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga qeybgalaan dabbaal-deggii 18-ka May.

Balse arrinta dhalisay hadal hayntii ugu badnayd waxa ay dhacday shalay kadib kulan dhexmaray wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenya Mr Kamau.

Fariin lagu soo qorey degelka Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibeda Kenya ayaa Somaliland lagu sheegay ‘dal’, taas oo keentay su’aal ah in Kenya ay aqoonsanayso Somaliland iyo Inkale.

Fariinta Twitter-ka ayaa sidan u qorneyd “Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibedda Kenta Mr Kamau ayaa galabta wadahadalo la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamed, waxay labada ka wada hadleen danaha wadaagga ah ee LABADA DAL iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga”.

Balse wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo la weeydiiyay su’aasha ah moowqifkooda aqoonsiga Somaliland ayaa tidhi: “Moowqifka Kenya ee Somaliland waa kan Midoowga Afrika uu ka taaganyahay, sida ku xusan go’aankii Midoowga Afrika ee 1964-tii”.

Balse waxa ay sheegtay hadal u muuqda in Kenya ay filayso in Somaliland ay noqon doonto dal madax banaan, waxayna tidhi: “Dano ayaan ka leenahay dalal badan, ka hor inta aanay dal noqon Suudaanta Koonfureed wakiilo ayaa u joogay Kenya, dal caynkaas ah ayaan nahay, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, waan la macaamilaynaa cid kasta”.

Kenya waxa ay aad uga welwelsantahay kiiska badda ee maxkamadda horyaala, waxayna door bidi lahayd in wada hadal labada dal ay ku dhamaystaan arrimaha dhex yaala, waxayna wasiirkani sheegtay in Soomaaliya ay maxkamadda ku orodday ka hor intaanba wax la’is weeydiinin.

Arrimaha cusub ayaa kusoo hagaagaya kadib markii ay dhowaan Kenya dalkeeda ku martigalisay wadahalo dhex mari lahaa Somaliland iyo dowladda federaalka, balse ma aanay u qabsoomin sidii loogu talogalay kadib markii ay xukuumadda Muqdisho diiday kasoo qeybgalka.

COMMENTS