CABAYS.COM
Khasaare Dhimasho Iyo Dhaaawac Ah Ayaa Soo Gaadhay Falastiiniyiin Mudaharaadaysay
July 27, 2019 - Written by Cabays

Gaza (Cabays Media)- Nin Falastiini ah ayaa la dilay, ugu yaraan 56 kalena way dhaawaacmeene, kadib, markii ay Askarta Isreal toogteen Dibadbaxayaal shalay isugu soo ururay meel ku dhow Xuduudka Israel.

Afhayeenka Wasaaradda  Caafimaadka magaalladda Qasa, Ashraf Al-qedra ayaa sheegay in Marxum Axmed Al-qarra oo 23 jir  ku geeriyooday toogashadaasi, kadib, markii ay xabad kaga dhacday Caloosha.

Waxa kaleo oo uu sheegay in ugu yaraan 56 kale la dhaawacay, kuwaasi oo 38 ka mid ah ay Ciiddanka Israel toogteen, iyadoo dadka la dhaawacay ay ku jiraan 22 carruur iyo 3 haween.

Dibadbaxa Iska horimaadka watay waxa u uqeyb ka yahay Dibadbaxyadda ay dadka Reer Falastiin jimco kasta ka dhigaan Deegaanadda ay Israel haysato, waxaana Dibadbaxyadaasi loogu magac daray Socodkii weynaa ee Dib-u-laabashadda.

Tan iyo markii ay bilowdeen dibadbaxyadaasi waxay Ciiddanka Israel toogasho ku dileen 306 Falastiiniyiin, halka in ka badan 17,000 o okalena la dhawaacay.

COMMENTS