CABAYS.COM
Khayre Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murrashax Madaxweyne
September 12, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa ku dhawaaqey in uu yahay Murrashax u taagan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo weli aan Madaxweyne Farmaajo soo magacaabin Raysal-wasaarihii baddali lahaa.

 

Qoraal uu Xasan Cali Khayre oo damiciisan ku faah-faahinayo ayaa u dhigan sidan:-

 

 

Bismillah,

Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay.

Hadda oo la sugayo hannaan loogu gudbo muddo xileed cusub ee dowladda Somaliyeed, waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo.

Mahadsanidiin.

Screenshot_20200912-221642

 

 

Cabaya news.com

COMMENTS