CABAYS.COM
Khilaafka Diblomaasi ee Soomaaliya iyo Kenya oo sii huriyey Baadhitaanka Ammaanka ee Garoonka Wajeer
May 23, 2019 - Written by Cabays

Wajeer (Cabays Media)- Dowladda Soomaaliya  waxay walaac xooggan ka muujisay Tallaabadda Dowladda Kenya ee Muwaadiniinta Soomaalida ku sii jeeda Nairobi lagu sii badhaayo Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Wajeer, ka hor inta aanay u sii dhoofin Nairobi.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay maanta soo saartay qoraal ay ku muujisay inay Tallaabadaasi xad-gudub ku tahay Heshiiskii ay labada Dowladood hore u wada gaadheen.

Dowladda Kenya waxaa loogu baaqay in la xushmeeyo Heshiiskii ay labada dowladood ku gaadheen Duullimaadyada Tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo dhanka kale walaac xooggan laga muujiyey Mas’uuliyiinta ka tirsan DFS ee dhawaan lagu xanibay Garoonka Nairobi, kadibna dib loogu soo celiyey Muqdisho.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in Mas’uuliyiintaasi laga qadaay Baasabooradooda, laguna khasbay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ah Kenya, Monico Jumawaxay shlay galab sheegtay inaysan ku baraarugsanayn arrintaasi, iyadoo sheegtay in qof kasta oo u soO socdaalaya Kenya looga baahan yahay inuu haysto Fiiso, ka hor inta uusan soo ambabixin.

Inkastoo, Khilaaf Diplomaasi oo u muuqda ka dhex jiro labada Dowladooda, haddana DFS waxay sheegtay in Muwaadiniinta iyo Saraakiisha Dowladda Kenya weli loo oggol yahay inay socdaal ku yimaadaan dalka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira warar sheegay in Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya, Afduubkii Dhakhaatiirtii Kuubaanka ee la afduubtay iyo Mas’uuliyiinta DFS ee lagu xanibay Garoonka Nairobi laga yaabo inay noqon karaan sababaha sii kicin kara Khilaafka Diplomaasiyadeed ee labada Waddan ee deriska ah.

COMMENTS