CABAYS.COM
Khilaafkii Mudo Kordhinta Oo 4 Qodob Oo Heshiis ah Lagu Soo Afjaray
May 28, 2015 - Written by Cabays

Hargeysa – SL (Cabays Media) Wada xaajoodkii labada xusbi ee mucaaridka ah iyo  xisbiga talada dalka haya ee mudadii la doortay ka dhamaanayso bisha Juun dhaamaadkeeda ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo ay isla gaadheen.

Heshiiskan cusub oo ah mudo dheer la dhiraadhirinayey ayaa wakhtigii doorashada oo hore Golaha Guurtidu uga dhigay bisha Abril sanadka 2017 ay ka soo qadimeen saddex bilood iyo badh,  waxaana heshiis ay wada saxeexeen iskula qaateen in doorashadu dhacdo 15.Dec.2016 ka,

Heshiiskan ayaa muujinaya in yahay in madaxweynaha, kuxigeenkiisa iyo gudoomiyaha galaha wakiilada loo kordhiyay sanad iyo lix bilood.

Heshiishkan saddexda dhinaca galeen waxa u kala saxeexay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye,  Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, xisbiga Waddani waxa u saxeexay gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro halka xisbiga UCID uu saxeexay Eng. Faysal Cali Waraabe. Heshiiskan ayaa waxa sidoo kale qayb ka ahaa oo noocnimo dhexdhexaadin iyo waliba isku soo dhaweyn ka sameeyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, inkastoo haddana uu dhanka xukumada xigay, kuna adkayd in uu go’aankiisu fulo oo uu u baahnaa in uu kula noqdo madaxtooyada.

Heshiiska dhinacyadu isla qaateen oo afar qodob ka kooban, ayaa lagu muujiyay in laysla qaatay in doorashadu qabsoonto badhtamaha Desember ee sanadka 2016, hase ahaatee lama muujin maalin loo asteeyay in ay doorashadu dhacdo. Sidoo kale waxa laysla qaatay in heshiiska loo gudbiyo hay’addaha dastuuriga ah si loo waafajiyo sharciga iyo qaanuunka dalka.

Guddoomiyayaasha saddexda xisbi ee wada xaajoodku ka dhaxeeyey iyo madaxweyne-ku- xigeenka Somaliland, ayaa si wada jira ah oo kooban warbaahinta ula hadlay, waxayna sheegeen in heshiiskaa laysla qaatay si loo soo afjaro murankii ka dhashay arrinta muda-kordhinta xukuumadda iyo golaha wakiiladda ay u sameeyeen Golaha Guurtidu, kaas oo ahaa sanad iyo toban bilood.

Sida heshiisku cadaynayo waxa xukumada, golaha wakiilada iyo waliba ka Guurtidu helayaan mudo kordhin, maman jiraan taariikho cayimaya xiliyada ay dhacayaan dooraashooyinkoodu, sidii uu u qeexayey go’aankii mudo kordhineed ee Golaha Guurtidu taariikho cayiman, hase ahaatee xukumada Kulmiye waxa ay heshay sanad iyo badh ay dalka ka sii taliso iyadoo aanay jirin cod shacbi oo ay ku fadhido, waxayna u muuqataa in ay qaaday dariiqii xibigii meesha ka baxay ee UDUB oo kale marka aad eegto mudo kordhinta oo si cad uga soo horjeeda dastuurka dalka.
Qoraalkii qeexayey qodobada heshiiska ka daalaco halkan hoose:

Hesh LETTER

 

 

 

 

 

 

 

H Lettter

COMMENTS