CABAYS.COM
Koobka Xiisaha Badan ee Copa Amerika Oo Xalay Furmay Iyo Xulka Brazil Oo Guul Weyn Ku Bilowday
June 15, 2019 - Written by Cabays

Sao Paulo (Cabays Media)- Brazil ayaa guul sahal aheyd waxa ay ku furteen tartanka Cope America waxa ayna sedex gool ku garaaceen Bolivia.

Inkastoo qeybtii hore lagu nastay bar bar dhac bilaa goolal ah hadana Brazil ayaa guud ahaan kubadda haysatay isla markaana ku siganeysay in ay dhaliyaan goolal

Bolivia waxa ay ciyaarayeen kubad daafac ah waxa ayna heerka kubad haysashada Brazil gaartay heer dhan %75

Qeybta labaad Brazil durba gool ayay heleen kaasi oo rigoore ahaa waxaana daqiiqaddii 50-aad u saxiixay Philippe Coutinho xilli laacibka uu sii raaciyay gool labaad daqiiqaddii 53-aad

Qaranka Bolivia waxaa ku adkaa in kubadda horay u soo jiidaan mana jirrin is fahan u dhaxeeyay ciyaartooyda , waxaana dhamaadkii gool cajiib ah ciyaarta sedex kaga dhigay Everton daqiiqadii 85-aad

Bolivia waxa ay baadi goobayeen guul ay ka gaareen Brazil oo ay ugu dambeysay sanadkii 2009-kii xilligaas oo ay 2/1 ku garaaceen is reeb reebkii koobka aduunka loogu soo baxayay

Tartanka koobka qaramada Latin Amerika ee loo yaqaano Copa Amerika waxa dhidibada loo taagay oo la aasaasay sannadkii 1916-kii waana muddo haatan laga joogo 103 sano. Waxaana ku tartamada dalalka ku yaalla qaaramadda Ameerika oo noqonaya Ameerikada Koonfureed iyo Woqooyi. Tartankaasi waxa markii ugu horraysay lagu qabtay caasimadda waddanka Argentina ee Benus Aresa, waxaanu qabsoomay 2-dii illaa 17-kii July oo ku beegan maalmaha xorriyadda waddanka Argentine. Tartankaasi waxa ka soo qayb galay Afar waddan oo kali ah oo kala ahaa Argentine, Brazil, Chile iyo Uruguay waxaana koobkaasi ugu horreeyey qaadday kooxda Uruguay oo Argentine ka qaaday halka Brazil kaalinta 3aad ka gashay.

Koobkan oo Afartii sanaba hal mar la qabto waxa ay kooxuhu u kala guulaysteen sidan:

Uruguay koobkan ugu badsatay waxa ay haysataa 15 Jeer.

Argentine oo ku soo xigta ayaa qaadatay 14 Jeer

Brazil waxa ay haysataa 8 Jeer.

Chile oo laba goor qaadatay oo waliba ah labadii jeer ee ugu dambeeyey

Paraguay, Bolivia, Peru iyo Colombia ayaa mil hal mar qaatay koobkan.

COMMENTS