CABAYS.COM
Kornayl Tuke oo maxakamad Maraykanku ku xukuntay 500 oo Kun oo Doolar oo magdhaw ah
May 21, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Medi – (Virginia- USA) – Madaxkamada ku taal degaan ku yaal duleedka caasimada dalka Maraykanka ee Washington oo la yidhaa Alexandria ayaa maanta ku riday xukun eedaysane Kornayl Yusuf Cabdi Cali oo loo yaqaan Tuke oo sanadihii 198o-maadkii ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamadii Siyaad Bare ee degamada Gabiley xiligii ay Somaliland ka mid ka ahayd Somaliya.

Xubno xeer-beegti ah (jury) ayaa kiis ka loo dhiibay ka dib markii ay dhageysteen dacawada maxkamada oo ay hayda la yidhaa Centre for Justice  of America oo dalka Maraykan ka jirta ay soo oogtay, isla markaana keentay dhibane Farxaan MaxamuudTani Warfaa oo isagoo 17 jir ah si axmaqnimo ah loo ciqaabay, isla markaana lagu dhuftay shan xabadood oo looga tagey maydh ahaa, balse xaga Alla ka badbaaday sodon sano ka dib.

Xukuanka lagu riday Kornayl Tuke ayaa ah mid so ojiitay, waxana hore Tuke dacwda loogu furay sanadkii 1993kii dalka Kanada, halkaas oo laga soo masaafuriyey, dibna loogu soo celiyey Maraykan oo uu markii hore ka galay Kanada. Kornayl Tuke ayaa ilaa iyo markii Kanada laga soo masaafuray waxa uu dhuumasho ku joogaya dalka Maraykanka, siiba gobolka Virginia iyo Washington CD nawaaxigeeda. Hase ahaatee hay’ada Centre For Justice oo daba gasha dadka dalka Maraykanka soo gala ee dambiayda ka soo galay dalalka kale ayaa keentay in markan madaxkamada la hor keeno.

Xukunaka lagu rday Kornay Tuke ayaan la garanayn sida uu iskaga bixin karo magdhowga 500 ee Kun ee Doolar oo ay tahay in uu siiyo Faraxaam Maxamuud Tani Warfaa, oo ah ninka uu 30 sano ka hor u xabadaha la dhacay, mayd ahaana uga tagey.

Image may contain: 3 people, people smilingTuke

 

Waa Farxaan Warfaa

Waa Farxaan Warfaa

Hase ahatee xukunaka ku dhacay Tuke waa u dheer isagoo aan wax shaqo ah ka qaban karin dalka Maraykanka, kadin marki warkiisa ay weyn u baahiyeen idaacadaha ay ka mid yihiin CNN, taas oo xataa ilaa labada shaqo ka galaafatay oo dibada laga dhigay.

Hay’ada CJA , Farxaan Maxamuud Tani iyo dadkii la dadaalay ayaa aad u soo dhaweeyey xukunka, waxana suurto gal ah haddii Tuke magdhowgaa bixin waayo in xabsiga la dhgo.

la soco wixii warar ka soo kordha.

Sawirada hoose waa muuqaalki markii kiisku soo xidhmay, dhibane Farxaan Tani iyo taageerayaashii, iyo qareenadii u doodayey ayaa sawir ku wada galay. Waxa ka muuqda farxad badan.

 

COMMENTS