CABAYS.COM
Kulan laba galin qaatay oo Xisbiga Waddani iyo Gudida Doorashada oo qodobo ka soo saaray
November 18, 2017 - Written by Cabays

Cabays

Cabays Media:- Kulan qaatay laba galin oo kala ahaa shalay iyo maanta oo ay yeesheen Gudida Doorashada  JSL iyo musharax C/raxman Cirro ayaa lagu falanqeeyey  qodobo culculus oo ay ka mid yihiin buugii uu xisbiga Waddani soo bandhigay ee uu ku eedeeyey in Xisbiga Kulnye isticmaalay iyo cabashoyinka Waddani ka qabo tirinta codadka.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Gudi. Doorashada JSL ayaa ahaa mid kala saaraay arimo xasaasi ahaa oo ooganaa in ay been yihiin iyo in kale. Buugii codaynta ee Waddani Khamiistii soo bandhigay ayaa la isku afkartay in aan la sii wadwadin, maadaama ay Gudida. Doorashadu xaqiijisay in ay leedahay gudidu booga oo uu ahaa wax iyda ka maqnaa oo cidi si sharci daro ah uga qaadataya goob ka miid ah goobihii laga codaynayey ee Goboka Saaxil.

Kulankan oo sidoo kale xisbiga Waddani kaga hadlay arimaha tirinta codadka ayaa lla isla qaatay in goobaha ay tuhun ka qabaan ee ay doonayaan in loo eego dib iyagana la eego tirintooda. Sidoo kale waxa Waddani ogolaaday in codadka degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley la eego oo la isla eego tiradooda.

Kulankan qaataya ilaa shalay iyo maanta ayaa waxa la sheegayaa in uu yahay mid ogolausiiyey Waddani ka dib markii rabshado ka dhaceen magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, kuwaas oo loo aanaynayo shirkii jaraaid ee ay qabteen madax xisbiga Waddani ka mid ah oo ku dooday in doorashada lagu shubtay.

 

Halkan hoose ka daawo waxa uu ka yidhi Gudoomiyaha Gudida Doorashad JSL.

 

 

COMMENTS