CABAYS.COM
Kulmiye iyo Waddani: Laba xisbi oo loo kala baxay – Halis baa ku hoos jirta hirtankooda
August 10, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:- Maqaal:  Qore: C/laahi Maxamed Cali  

 

Qiyaasta saar loolanka siyaasadeed ee Somaliland ee haatan la odhan karo dalku waxa uu u xuubsiibatay hanaanka laba xisbi, kaalintii xisbiga saddexaad ee UCID iyadu waa mid maqan, meesha ayse ku maqan tahay waa lama raadiyaan, dadka siyaasada xisbiyada darsaana wey og yihiin halka UCID xisbi ahaan u taal shaxda hirdanka xisbiyada doorashada inagu soo foodle, waana sobobta uu u yahay maqanaha magac-ahaan jooga.

Hase ahaatee loolanka u dhaxeeya Waddani iyo Kulmiye doorkan horteed maynu ogaan halista ay ina galin karaan marka la isla gaadho doorashada madaxweynaha oo ah mid labadaas xisbi ay kaligood isku ban-baxayaan ku hirdanka hogaanka dalka ugu sareeya oo xisbiga Waddani isku dayayo in uu ka wareejiyo xisbigii furay fursadii uu xisbi ahaan ku soo baxay ee uu ku galay kaalin uu buuxin lahaa xisbigii laba doorasho qabtay, ee tii hore ee uu helay, iyo tii dambe Kulmiye ka helay, waa xibigii saaxada ka baxay ee UDUB.

Hadda ma jiro aragtiyo xisbiyeed, himilo iyo hanaan kala duwaya fikirkooda siyaasadeed ee Kulmiye iyo Waddani ay u durmaan tumayaan. Mid mid dhaamo ka kale xaga fikirka siyaasiga ah oo laba walaalo ah kala raaciyaa ma jiro. Labaduba waxay ka dheelayaan ciyaarta-siyaasada jaan isku mid ah. Waxa siraadaya siyaasiyiin guur-guura oo fagaarayaasha u qadiman si ay dadka ugu hurgufaan hadalo aan ku cusbayn. Labadan xisbi ummada uma soo bandhigaan in bulshada ay dhageystaan, bulshadu iyagey dhegeystaan fagaare kasta. waliba caleemo qoyan, calan xisbi iyo sacab aan lagu ciilin ayey uga fadhiyaan bulshada la daalaadhacaysa la’aanta adeegyadii aas-aaska nolosha u ahaa, ee waliba niman siyaasiyiin isku haysta oo haddana ka danaysta danaha qaranka soo kala safteen.

Ololaha labadan xisbi waa kuwo isku raad jooga oo midba halka uu maray ka kale ka daba marayo. waa isku qaab socodku, midabada calamada xisbi ayuun baa u kala duwan, haddana iyagu waxay dadka moodayaan in ay u arkaan kuwo kala duwan. Waxay ku jiraan olole xiligiisii aan la gaadhin, xoog ayey u qadiman yihiin, ficil ayaa wada labadaba, himilo hufnaan la socoto kuma socdaan.

Waxa ka xoog weyn hab-xisbi u abaabulka hab beelaysi iyo kooxo laba musharax ee Muuse iyo C/raxman hii haybsanaya oo ay kugu soo dhacayaan fariimo codad ah oo duuban oo ka soo ambaday goleyaal koox-koox loogu kala warqaato, sida golaha koox-koox-da looga wada hadlo ee What’sup-ka la yidhaa oo aad si sahlan u helayso fariimo qoloba dhankeeda iskugu dirayso oo si cad u sheegaya in qaab-beeleed xisbiyadani u abaabulan yihiin ee ayna u abaabulnayn hab-xisbi oo isku keeni kara dad kala abtirsada. Ogow labada musharax fagaare kama sheegaan in ay beelaysan yihiin, sidoo kalena goleyaasha beelaysan ee u ololayna kama madlaaan.

Durmaan beeleed oo kursi lagu doonayo ayaa hareerahooda ka dhacaya, dhawaaqa wey maqlayaan, haddana ma diidaan ee waaba halka ay taageerada aduun iyo codeed islee yihiin waad ku helaysaan. Ka kacaaydu waab qiyaasta inta cod ee ay helayaan iyo cida ay ka helayaan. Ma dhaadsana in ay isku lisayaan dad ay ahayd in labadii hooyo wada dihatay in ay kala raacaan.

Inskatoo ay dhan walba iska shabahaan, haddan meelo ayaa jira ay ku kala duwan yihiin, sida mid jeebkii qaranka, hantidii qaranka iwm ka duulaya iyo mid dan ka lahayn in uu taa ka doodo oo codsado in wixii qaran lee yahay u sinaadaan.

Ku darsoo maanta mid aad arkaysay in uu xisbi ka soo jeeday, ayaa bari ka kale ka soo jeedsanaya. Ciddi isma weydiiso muxuu kaga tagey xisbigaa, muxuuse ugu tagey xisbiga kale, sacabka ayaa labada dhanba laga tumaa aan wax-ba loo fiirsan. Dadka inta ugu il-dheeri wey arkayaan, laakiin iyagu in ay ka hadlaan waxay ku qaadanaysaa in ay hadlaan markay cabsi uga muuqato sida wax u socdaan, waana ta keentay in tusaale ahaan Odayada Madasha Wadda-tashigu ka hadlaan sida ay wax u arkaan iyo halka lagdanku u socdo, oo ah muran weyn oo inagu soo maqan doorashada soo socota.

Doorashadii gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee maalintii dhaweyd ee buuxinta xilkii uu baneeyey musharax C/raxman C/laahi Cirro, xilkii uu laba iyo tobanka sano ka degi waayey, wax ay daaha ka rogtay sida ay muran u galin karaan natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada ay kumanaanka Reer Somaliland u dareeri doonaan 13ka bisha kow iyo tobnaad ee sanadkan 2017ka. Khilaafka aan noocisa hore Somaliland loogu arag ee xilka gudoomiyaha Golaha Wakiilada, waa muraayad laga qiyaas qaadan karo sida labada xisbi aanay u gali karin doorasho ay ka madhan yihiin muran iyo isku-xag-xagasho dalka galin kara halis culays galin karta deganaanshaha siyaasadeed, oo saamayn sidoo kale ku yeelankara deganaanshaha dalka.

Ogow 78 mudane ayey ahayeen oo codkoodu muuqdo cidda ay u kala codaynayaa, codkooduna waxa uu ahaa mid u dhacay habka cadiga u ah golahaas ee ‘Gacan-taaga’ ah, gacmo hoos loo dhigayey oo la tirinayey ma jirin, mana ahayn codayn aan markhaatiyo lahayn oo ay albaabada isku soo xidheen. Gacan kastoo la taagey waxa qabtay qalabka arag-maqalka duuba ee kamaradaha la yidhaa. Adigoo aan joogin golahaas oo muuqaaladaas mudanayaasha daawada ayaa soo saari kara cidda codka ugu badan heshay, waxa aad isku mar la tirin kartaa kooxda golaha ee iyagu tirinayey codka ee u gudbiyey xoghayaha goluhu gudoomiyaha 3aad ee isagu gudoominayey codaynta ee  ku dhawaaqay natiijada ay kala heleen laba mudan ee Baashe Maxamed Faarax iyo C/raxman Tanlyale kala heleen.

Aqbalida iyo diidmada is-daba yaalay ee saacado u dhaxeeyeen in guushii raacday Baashe Maxamed Faarax iyo sidoo kale dooda xisbiga Waddani ee ay ku soo bandhigeen qaabka aan ka hadlayo ee dib-u-raaca muuqaaladii codayntii mudanayaasha, iyo deg deg u difaaca natiijada murugsan ee xukumada Kulmiye, labaduba waa kuwo ina siiyey fursada ah in aynu saadaalino sida ay kala yeeli karaan marka doorashada soo socota natiijadeeda mid guushu ku raacdo.

Taa macnaheedu ma aha in xisbiga Waddani oo kali ah, oo dhanka diidmada jooga imika marka la eego natiijada ta Golaha Wakiilda uu isagu noqon doono kaliya ee diidi doono haddi laga badiyo doorashada soo socota, laakiin xisbiga Kulmiye ayaan isaguna lahayn isku halayn in uu aqbali doono haddii laga badiyo, waayo, imikaba waxa uu isa siisiiyey guusha doorashada soo socota. Tanina waa ta astaanta u ah in labada xisbi ay dalka galin karaan muran xoogan. Alle ma keenee haddii ay taasi dhacdo ogow ma jiro golihii Guurtida ee lagu kalsoonaa, balo-damiye ahaa ee dalka ka xijaabi jiray wixii khilaaf ahi in uu sii fogaado, mana jiro madaxweyne dalka la socda oo inta uu dhex ka yahay loolanka ka odaytimayn kara, waayo isagu waa muunad magac ahaan xilka madaxweyne inoo haya, halkiisii waxa inoo jooga kuwo dadku dooran oo sida midi laba af leh ah kolaba dhan wax u jari kara, mar dhanka musharax Cirro, ana dhanka musharax Muuse, waayo danta dalka waxa uga weyn tooda, waana halisa dadban ee mudan in bulshadu ka feejig-naato.

Wali ma hadhin halhayskii xisbiga Kulmiye todobadii sanadood ee uu hogaanka hayey inagu dhago barjeeyey ee ahaa Kulmiye 80 cod ayuu kaga tagey doorashadii hore oo lagaga badiyey, miyaan halka cod ee maanta Waddani ku muransan yahay haddii lagaga badin lahaa ku tageen, ilayn codkastoo la qaadaa waa ugu yaraan hal-dheeri ama haddii hal cod lagu dheeraado waa lagaa badiyey ama helau. Halkayskaa Kulmiye ee 80 cod iyo halkan cod ee Waddani waa astaan muujinaysa in aynu filano muran inagu soo foodle – Alla kama dhigo!

Arinkase muujiyey halista ay muran-siyaasadeed ee doorashada soo socota ina galin karaan waa ficilada ay natiijada doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu ku kala qaabileen labadan xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ee midi midka kale ku eedaynayo in sidii oo ay Dur iyo Daabac wax ku kala helayeen midi leh Dur-kaad iigu rogtay oo tiradii ay kala heleen ee 39ka iyo 38 ka ayaad is-weydaariseen! Waa heerka damac aan dabac lahayn keeni karo in marka kumanaan codbixiyeyaal oo codkooda si qarsoodi ah u dhiibtay la tiriyo uu midi aqbali waayo tiro kastoo la dheer yahay, waayo cod muuqda sidii loo codeeyey ayey isku diidan yihiin, maxaad u malayn mid warqadihiisa la tirinayo.

Hadda la soco, codka u dhaxeeyey waa hal cod, waa 39 cod oo laga jaray 38 = 1,  waa 38kii xildhibaan ee la sheegay in ay u codeeyeen C/raxmaan Talyanle oo la iskugu yeedho, iyo 39kii u codeeyey Baashe Max’d Faarax oo iyagana meel la iskugu keeno, maxaa kuu soo hadhay, waa iyadoo la ogaado halka cod ee kala reebay kii uu raacay. Sidaa ma u sahlanaan kartaa in loo kala saaro? Ha ka yaabin!

Anigu markaan eego ficilka ka dhaxeeya xisbiyada isku kaliyeystay ee Waddani iyo Kulmiye, sidaa uma fududa in aayar dib loogu kala tiriyo codadkii iyadoo xildhibaan kastoo codeeyey dib loo tuso muuqaalkii laga duubay iyo cida ay u kala codeeyeen. Labdan xisbi waxay u tafo xayteen in ay galaan doorasho xajiimaysan, eedaysan, oo waliba la isku muquumiyo awood midi lee yahay, ka kalena isku-tamareeyo kaartooyin shacbiga Somaliland hore uga soo gubeen oo ay siyaasiyiinta guur-guura ee kolba xisbi ka dhex-botoriyaa ay inoola soo baxaan codad-beelaysan, deegaamaysan, iyo ololeyaal jufeysan, sida aynu imikaba ka aragno labadan xisbi ee Waddani iyo Kulmiye oo midi mid dhaamin qaabka olololaha iyo ka-kacaayda ay bulshada kula dhex-jiraan.

Shacbiga Somaliland ee fikir ahaan ka xor ah habka ay ladan xisbi u ololeeyaan iyo habka ay u ficil-tamaan siyaasiyiinta labada dhan waa in ay ka feejignaadaan waxa ka soo bixi kara khilaaf ka weyn kan ay maanta isku hayaan ee ah xil mudo yar oo kala-guur ah la sii haynayo, balse ah xil aad ugu muhiim ah dalka iyo dalka. Hab-ficil-siyaasadeedka ilaa hadda inooga muuqadaa waa mid dib-urar ku samaynaya dalkan Somaliland ee dadkiisu hore-uguur iyo horumar hiigsanaya, ha noqoto habka dawliga iyo xisbiyada iyo horu marka kale.

Marka la isku soo xooriyo ta u muhiimsan waa in la garowsado in ay jirto halis ku duugan qaabka ay labadan xisbi ee sheegani ay ilaa hadda u socdaan, wana in laga diido in ay inoo tumaan durmaano aynu shanqadhoodo waa hore daminay, waana in aynu ka dalbanaa in ay inoola yimaadaan himilo cusub oo horumar dhan walba inoogu hagaysa. Waxa ay faaagarayaasha ka heeyihiin iyo ficilkooda hoose, xataa inta iyaga u ololaysa waa in ay is lahaadaan. Waxa halista ahi waa “Reer hebel” ka hoo la iskugu abaabulayo ee aan qarsoonayn.

Dhamaad

……………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………….

Xusuus: C/laahi Maxamed Cali waa saxafi mudo sheer ku soo jiray saxaafada, mana taageero xisbi iyo koox gooni ah, waxa uu barnaamij joogto ah ku leeyahay Kalsan TV , waxaanu ka faaloodaa siyaasada Soomaalida. Qoraalkana waa mid soo dhaweynaya wixii fikir ahaan burinaya qodobada uu ka hadlay. Wxiii qoraal ah ku wajahan qormadan kor ku dhigan ku soo hagaaji editor@cabays.com

 

COMMENTS