CABAYS.COM
Kuuriyada Woqooyi Oo Hanjabaad Cusub U Dirtay Maraykanka Iyo Fashil Ku Yimid Wada Hadalladii Hore U Dhex Maray
May 15, 2019 - Written by Cabays

Pyongyang (Cabays Media)- Kadib markii ay hakad galiyeen wax natiijo ahina aanay ka soo bixin wada hadalladii ugu dambeeyey ee Maraykanka iyo Kuuriyada Woqooyi waxa ay xaaladdu u muuqataa mid halkeedii ku noqonaysa kadib Markii ay labada dhinac sheegeen in aanay wax natiijo ahi ka dhalan wada hadaladii labada jeer dhex maray Madaxweynayaasha Kim Jung Un iyo Donald Trump.

Dawladda Kuuriyada Woqooyi ayaa si weyn uga cadhootay fal ay dhawaan ku kaceen ciidamada waddanka Maraykanku kuwaasi oo qabtay Markab Xamuul oo ay leedahay Kuuriyada Woqooyi.

Hadal-qoraal oo  ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Waqooyiga Kuurya ayaa lagu sheegay in Tallaabadda ay Maraykanka ku qabteen mid ka mid ah Maraakiibtooda Xamuulka uu yahay  fal sharci-darro ah oo xad-gudub ku ah  Wada-xaajoodkii u dhexeeyey Labada Hoggaamiye ee Trump iyo Kim Jong Un.

Dowladda Maraykanka waxaa loogu baaqay in dib loo soo celiyo Markabkaasi oo lagu magacaabo Wise Honest, kaasi oo ay Mariniska Maraykanka gacanta ku dhigeen isbuucii hore.

Qoraalka ka soo baxay Waqooyiga Kuurya waxaa kaloo lagu sheegay inay qalad weyn noqon doonto, haddii ay Maraykanka rumeysan yahay inay Waqooyiga Kuurya xoog ku maamuli karaan, isla markaana ay indho taxadar leh ku eegi doonaan Dabeecadaha Maraykanka ee mustaqbalka.

Dhinaca kale, Waxada Garsoorka ee Maamulka Maraykanka waxay isbuucii hore sheegeen inay gacanta ku dhigeen Markab Xamuul oo ay Waqooyiga Kuurya leedahay, kaasi oo haatan lagu hayo Jesiiraddaha Maraykanka ee Samoa ee Koonfurta Badweynta Pacific Ocean.

 

COMMENTS