CABAYS.COM
London oo baabuur iyo midiyo lagu weeraray dad socda dariiq mashquul ah -Waa sidee xaalku?
June 3, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-

 

Caawa (Axdi soo galayso) waxa magaalada London ka dhacay weerar lagu fuliyey gaadhi nooca qufulan ee xamuulka lagu qaado ee la yidhaa Van-ka. Weerarkan ayaa ka dhacay nawaaxi aad u mashquul ah habeenada Sabtida iyo Axdaha, isla markaana ah suuq aad u mashquul ah oo leh goobo lagu soo caweeyo.

Sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah, Van cad oo ay qiyaastii saaran yihiin saddex nin ayaa isagoo xawaare dheeraynaya ku socda inta uu ka soo baxay dariiqii uu marayey dul maray ilaa 6 qof . Sidoo kale waxa wararku sheegayaan in weerarkan ilaa hadda uu ku dhintay hal qof, hase ahaatee wali ma cada khasaaraha dhabta ah.

Weerar midi ah:

Sida dad goob-joogayaal ahi sheegeen waxa gaadhiga la jiidhsiiyey dadka sidoo kale la socday 3 nin oo la sheegay in ay ka soo dageen gaadhigii isla markaana ay weerar midiyo ah ku weerareen dad ku jiray makhaayad ka ag dhaweyd fadhiyey iyo sidoo kale dad dariiqa marayey.

Booliska London ayaa gurmad laxaadle oo iskugu jira cirka iyo dhulkaba ku soo gaadhay goobta weerarku ka dhacay ee London Bridge, waxayna raadinayaan 3 nin oo la sheegay in ay ka dageen gaadhiga dadka la jiidhsiiyey isla markaana ay weeraro midiyo ah ku qaaday dadkii dariiqa marayey.

Sidoo kale nawaaxiga loo yaqaan Vauxhall oo isla dhanka koonfureed ee wabiga Thames ee kala badha London ayaa boolisku sheegeen in uu ka dhacay weerar kale oo loo geystay dad, hase ahaatee booliisku ma sheegin nooca weerar, waxase ay bilaabeen in ay dadka ugu baaqaan in ay ka fogaadaan nawaaxigaas dhacdooyinka weerar ka dhaceen.

Lama hubo in weerarka London Bridge iyo Vuaxhall ay isku xidhan yihiin, waxase la sheegay in meelahaasi yihiin kuwo aad u mashquul ah oo dad badani ku sugan yihiin. Dadka ayaa laga  daad gureeyey nawaaxiga London Bridge iyo Vuaxhall goobaha laga raaco tareenada.

Wararka iska soo daba dhacaya ayaa sheegaya in booliska London toogasho ku dileen laba nin oo midiyo ku hubaysan, hase ahaatee booliisku ma xaqiijin arinkaa. sidoo kale booliiska ayaa adeegsaday diyaaradaha qumaatiqga ukaca oo ay goobta weerarka culus ka dhacay ee London Bridge ku raadinayeen niman la sheegay in ay midiyo ku hubaysnaa oo dhax-mushaaxay goobaha ay ku yaalaan baararka ama mukhbaaradaha London Bridge ilaa goobta la yidhaa Borough Market oo ah goobo aad u camiran habeenadan oo kale.

Weerarkan London ayaa dhacay xili amaanka dalka UK aad loo adkeeyey kadib qarixii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday goo fanaanadi ka heesayay magaalad Manchester ee dhanka waqooyi ee England.

 

Raysal wasaaraha dalkan Britain, Theresa May ayaa la sheegay in ay kulanlONDON deg deg ah la yeelanayso laamaha sirdoonka iyo amaanka gudiyadooda,  hase ahaatee sida laga soo xigtay xubno ku dhadhow sirdoonka waxay UK waxay sheegeen in weerarkani ahaa mid aanay saadaalin iyo in aanay hubin in ay isku xidhan yihiin laba weerar ee Vuaxhall iyo London Bridge.

Ilaa hadda booliska London ma sheegin cida weerarka qaaday iyo khasaaraha dhabta ah, iyo sidoo kale in ay isku xidhan yihiin labada weerar ee ka kala dhacay London Bridge iyo Vuaxhall. Hase ahaatee booliska ayaa qaaday baadhitaan iyo raadin laxaad leh goobihii wax ka dhaceen. Sidoo kale ciidamo boolis ah oo aad u hubaysan ayaa lagu soo daayey magaalad London qaybo kala duwan oo ay ugu badan yihiin goobaha dadku ku caweeyaan.

Weerarkan ayaa dhalin kara walaac cusub oo soo wajaha dadka London, siiba dadka Muslim-ka ah oo ay dadka weerarada noocan ah fulinayaa ay sheegtaan in ay ku dagaalamayaan magaca diinta Islaamka, inkastoo diinata Islaamku sina u banayn in dad la iska laayo.

Mid ka mid ah ragga argigixisada ah oo la toogtay oo dhaxda walax ku xidhan

Mid ka mid ah ragga argigixisada ah oo la toogtay oo dhaxda walax ku xidhan

London ayaa leh meeyar ama duq isagu Muslim ah oo ay toos u soo doorteen dadka degan oo aad u kala diimo ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad mudo labad todobaad ah iyo iyadoo UK ka socdaan olole doorasho la filayo in ay dhacdo bishan Juun 8deeda.

La soco Cabays Media oo isha ku ahaya dhacdan.

 

COMMENTS