CABAYS.COM
Maamul Goboleedka Putland Oo Gudoomiye Cusub U Magacaabay Gobolka Sool oo aanu xukumin
June 11, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Garoowe) Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa gudoomiye cusub u magacaabay gobolka Sool oo aanu gacanta ku haynin maamulkeeda.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne Gaas ayaa lagu magacaabay Abuukar Cabdi Geelle oo noqonaya gudoomiyaha gobolka Sool ee maamul gobolleedka Puntland.

Magacaabistan ayaa imaneysa xili wali ay taagan yihiin xiisado colaadeed oo ka taagan gobolka gaar ahaan deegaanka Tukaraq iyo xili gobolku gacanta ugu jirin Puntland, marka laga yimaad deegaamada ay weerarka ka soo qaadayaan ee tuulooyinka xiga dhanka caasiamda Garoowe.

Somaliland ayaa caasimada gobolka Sool ee Laascaanood sanadkii 2007 kala wareegtay Puntland xiligaas oo dadka magaaladaasi ay aad uga soo horjeesteen Puntland. Somaliland ayaa gobolka Sool 80% gacabta ku haysa.

Lama oga sida uu u hawlgalayo iyo halka uu ka hawlgalayo gudoomiyaha isagoo jooga Garoowe loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha Sool.

Halkan hoose ka akhri magac ninka loo magacaabay oo wareegto madaxweyne Puntland ah  ku soo baxay.

COMMENTS