CABAYS.COM
Maamulada Tigreega Iyo Axmaarada Ee Itoobiya Oo Hadalo Kulul Warbaahinta Isku Mariyey
July 15, 2019 - Written by Cabays

Addis Ababa (Cabays Media):- Madaxda labada xisbi ee Itoobiya ee TPLF ee Tigreega iyo ADP ee Amxaarada oo ka mid ah afarta xisbi ee ku bahoobay daladda EPRDF ayaa hawada isu mariyay hadalo kul-kulul.

Labada xisbi ayuu midiba midka kale ku eedeeyay inuu masuul ka yahay xaaladda ka taagan dalka Itoobiya ee ka dhalatay dilka taliyihii guud ee ciidanka Itoobiya iyo Madaxweynihii gobalka Amxaarada.

Golaha dhexe ee xisbiga TPLF ee tigreega ayaa dhawaan waxay qabsadeen shir deg deg ah, waxaanay shirkoodaas toddobaadkan ka soo saareen warsaxaafadeed ay kaga dayriyeen xaaladda ay Itoobiya ku sugantahay oo ay sheegeen inay sii xumaanayso.

Sababta xaalada adag ee Itoobiya waxay ku sheegeen inay ka dhalatay xaaladaha siyaasadeed ee dalkaas ka jira, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in kooxo ay ku sheegeen dabo-dhilifiyo oo baabiinaya sumcada Itoobiya lagu casuumay inay qayb ka noqdaan hoggaanka siyaasadeed ee dalka, wuxuuna TPLF sheegay in xaaladda dalka Itoobiya sii xumaanayso. TPLF oo uu guddoomiye ka yahay madaxweynaha gobalka Tigreega Dr. Debretsion Gebremichael, ayaa waxa ay warsaxaafadeedka ku dalbadeen in la sameeyo guddi baadhis qaran oo soo baadha dilka taliyayaashii iyo saraakiishii dhawaan dalkaas Itoobiya lagu laayay, waxaanay ciidanka Itoobiya ugu baaqeen inay muujiyaan midnimo oo ay dalka ilaashadaan, iyagoo balan qaaday inay dhinacyada siyaasadeed ee Itoobiya kala shaqayn doonaan sidii bay yidhaahdeen loo badbaadin lahaa dalka.

Laakiin waxa ka jawaabay hadalka TLF, xisbiga Amxaarada ee ADP oo uu madax ka yahay Raysalwasaare-xigeenka Itoobiya Demeke Mekonnen, waxaanay ku eedeeyeen xisbiga Tigreega inay ka soo horjeedaan isbedelada Itoobiya ka socda, “TPLF ayaa ka dambaysa xoogaga ka soo horjeeda isbedelka dalka ka socda.” Ayuu yidhi xisbiga Amxaaradu, waxaanu ku eedeeyay inay masuul ka yihiin xaaladaha ka taagan Itoobiya.

COMMENTS