CABAYS.COM
MAANTA XUKUNO U DHEXEEYA 4 SANNO ILLAA 2 SANNO KU RIDAY RAGGII LOO HAYSTAY INAY SHEEGTEEN MAAYARKA IYO MAAYIR KU XIGEENKA HARGEYSA
December 29, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeysa)

Maxkamada gobolka Maroodijeex oo maanta xukuno u dhexeeya 4 sanno illaa 2 sanno ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodijeex waxay maanta xukuno kala duwan ku riday odayaashii loo haystay inay sheegteen maayarka iyo maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa.
1. Caaqil Xasan waxaa lagu xukumay afar sano oo xadhig ah.
2. Xuseen Shabeel waxaa lagu xukumay saddex sanno oo xadhig ah.
3. Xasan Kaam-liibaan waxaa lagu xukumay laba sanno oo xadhig ah.
4. Cabdiqani Madoobe xoriyadiisa ayaa dib loogu celiyay kaddib markii loo waayay wax dambi ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex Axmed Dalmar Ismaaciil ayaa Wariye Ilyaas u xaqiijiyay xukunka raggaasi.

COMMENTS