CABAYS.COM
Madaarka Cigaal Oo Roobabkii Ka Da’ay Hargeysa Khasaare Ba’an U Geysteen & Dayactir La’aanta Muuqata
April 24, 2018 - Written by Cabays

wararka naga soo gaadhaya madaarka diyaaraduhu ka duulaan ee magaalada hargeysa ayaa sheegay in robabkii dhowaanahaba ka dayey magaalada hargeysa ay waxyeelo soo gaadhsiiyeen dhabadaha diyaaraduhu ka haadan, Dhanka bari ee dhabada    diyaaradahu ka haadaan ee madaarka Hargeisa ayaa ay roobabku qodeen Isla markaasina ay khasaare laxaadleh u gaysteen.

Qaybtani uu hada khasaarahu soo gaadhay ayaa ah qaybtii cusbayd ee UU dhisay wasiirkii hore ee duulista iyo hawada ee Somaliland mudane Maxamuud Xaashi

Wararka aanu helayno ayaa sheegaaya in Maareeyaha Guud ee Hayadda Duulista iyo Madaarada uu isku dayay in uu la xidhiidhay cidii dhistay dhabada madaarka si ay u dayac tirsan, has ahaatee la waayay shirkadii ninkii watayna uu Suldaan noqday.

 

Waxana uu Maareeyaha Guud ee Hayadda Duulista iyo Madaarada uu degdeg ula xidhiidhay dawlada hoose ee Hargeysa si ay u dayac tirto dhabada madaarka, taasi oo ayna wax khibrad ah u lahayn.

Maareeyaha ha’ayadda duulista iyo hawada  Somaliland iyo xukuumadda Biixi ilaa hadda kama aysan hadal khasaaraha ku yimid garoonka Cigaal ee diyaaraduhu ka haadaan.

 

 

COMMENTS