CABAYS.COM
Madax. Farmaajo oo laga dalbaday in uu sheego tirada ciidamada uu Eritrea u diray & arinka
January 20, 2021 - Written by Cabays

Cabays Media ( Wararka oogan) – Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa maanta u gubiyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo qoraal ay ku dalbanayaan in warbixin buura ah ka soo saarto ciidamadii tobabarka loo geeyay dalka Eritrea.

Guddiga ayaa madaxweyne Farmaajo ka dalbaday inuu faahfaahiyo ciidamada tobabarka loo geeyay dalka Eletariya iyo xiliga ay ku soo laabanayaan Soomaaliya, maadama eheladii dhalinyaradaas ay muujinayaan walaac ku wajahan xaaladooda guud iyo sugnaanta halka ay joogaan.

“Guddiga Arrimada Dibadda Golaha Shacabka BJFS isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga kor-joogteynta hay’addaha Dowladda, tix-gelinaya cabashooyin ka soo gaaray waalidiin caruurtooda tababar ciidan loogu qaaday Dalka Eritrea, waxaan kaa codsaneyna inaad noo cadeyso Ciidamada halkaa tababarka u jira tiradooda guud inta ay tahay, iyo goorta ay ku soo noqonayaan dalkooda hooyo,” ayaa lagu yiri waraaqda uu guddiga u diray Farmaajo.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka guddiga inay soo gaartay cabashada waalidiinta dhalinyarada loo qaaday Eritrea iyo hadal haynta la xiriirta inay ku dhinteen dagaalkii qaraara ee ka dhacay gobolka Tigray, iyaga oo gacan siinaya ciidamada dowladda federaalka.

 Waxay ka dalbadeen madaxweynaha inuu sida ugu dhaqsaha badan ka jawaabo cabashada waalidiintaas, isaga oo cadeynaya halka ay ku sugan yihiin askartaas waqti xaadirkan, isla markaan uu la xiriiriyo waalidiintooda oo ka war-warsan xaaladooda.

“Waxaan kaa codsaneynaa inaad cadeysid halka ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas tababarka loo qaaday, lana xiriirisid waalidiintooda.”

SOMArm

Madaxweynaha afartii sano ee la doortay ka sii dhamaanayso ee Soomaaliya,  Farmaajo waxa ay si adag uga dalbadeen in in si deg-deg ah guddi loogu saaro xaqiijinta nolosha askartaas, kuwaasi oo ka kooban xubno dowladda federaalka iyo golaha shacabka, si ay uga keenaan xaqiiqo dhab ah oo la xidhidha dhawaaqyada waalintiinta sheegay in ubadkoodii ka maqan yihiin mudo dheer, wax war ahana aan laga siin.

Waxayna Gudidi qoraalkeeda ku sheegtay  “Waxaan kale oon ka codsaneynaa in si degdeg ah loogu diro guddi dawladda iyo golaha shacabka ka kooban oo soo xaqiijiya noloshooda iyo geeridooda intaba. Annaga oo ku kalsoon inaad nala wadaagi doonto cadeymo ay ku qancaan waalidiinta iyo ummada Soomaaliyeed, naga guddoon salaam xushmad leh.”

Dalabka guddigan ayaaku soo beegmay xili ay uu aad u xoogeysteen dareenka iyo tuhunka laga qabo in ciidamada Soomaalida ah ee tobabarka loo geeyay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii Tigray, isla markaana ay ku madheen  badankooda marka laga reebo tiro yar oo la sheegay in dhaawac ahaan u kala yaalaan magaaloyinka Asmara iyo Maqale cusbitaalo ku yaal.

Halkan hoose ka akhri warqada.

COMMENTS