CABAYS.COM
Madaxweynaha Eretariya oo booqasho ku tagey Muqdisho – Waa maxay u jeedadu?
December 13, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Muqdisho) – Madaxweynaha awooda dalka Eretariya gacan bir ah ku haysta, Isaias Afwerki ayaa booqashadii ugu horaysay maanta ku tagey magaaada Muqdisho ee caasimada dalka ay nabadiisa ilaaliyaan ciidamo Afrikaan ah, ee Soomaaliya.

Booqashada madaxweyne Afwerki ayaa madaxa madaxtooyada xukumada Afwerki oo la yidhaa Yemane Meske ku sheegay bogga uu ku lee yahay Twitter-ka in booqashada madaxweyne Afwerki ay tahay mid la xidhiidha wada-xaajoodkii saddex geesoodka ahaa ee dawladaha Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya.

Madaaxweyne Farmaajo oo ay hadda ku janjeedho oo xil-ka xayuubin ay doonayaan in Golaha Shacabka Soomaliya ku sameeyaan, isla markaana ay ku kacsan yihiin mawjado siyaasadeed ayaa booqashada Afwerki u noqon kartaa arin uu iskaga jeedin karo khilaafka ku wajahan iyo xaaladaha cakiran ee dalka Soomaaliya.

Dhanka kale booqashada madaxweyne Afwerki ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xili magaalada Muqdisho lagu soo rogay xukun militari oo bandoo ah iyo iyadoo caasiamda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ka jiraan rabshado ka dhashay ciidamo Itoobiyaan ah oo xoog ku qabtay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow oo isku sharaxay in uu noqdo madaxweynaha maamulkaasi.

Hase ahaatee booqashada madaxweyne Afwerki ma noqon karto mid culayska ka qaada madaxweyne Farmaajo oo haatan ay ku kacsan yihiin shacabkii hore ugu sacabo tumay, kuwaas oo qaarbadani saluugsan yihiin siyaasadisa oo ay u arkaan in ay halis ku tahay Somalia.

Afke AfeeAfrrrAff

COMMENTS