CABAYS.COM
Madaxweynaha Guinea oo Si Heer Sare Ah Usoo Dhaweeyay Waftigii Madaxweynaha Somaliland
July 3, 2019 - Written by Cabays

Conakry (Cabays Media)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo maalintii dorraad safar shaqo waddanka kaga ambo-baxay, ayaa shalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si meeqaamkeedu sarreeyo loogu soo dhaweeyey gegida caalamiga ah ee Conakry International Airport amaba Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea), waxana halkaa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee gudaha madaarka.

Intaa kaddib, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa madaarka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha weftiga ah ee safarkiisa ku wehelinayay, ayaa xarunta qasriga madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Gini lagaga gelbiyey baabuurta loogu talo galay madaxda habmaamuuskoodu sarreeyo, waxana la geeyey Huteelka Kaloum ee badhtamaha caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini ee Conakry. Iyadoo berrina si toos loo gudo gelidoono ujeedka safarka iyo kulamadii muhiimka ahaa ee labada Madaxweyne.

Daawo Sawirrada Soo Dhaweynta Waftiga Madaxweynaha:

66108824_2253276381452869_7792334623689670656_n 65764698_2253276361452871_2274471962493321216_n 65726666_2253276568119517_3728423455679315968_n 65698071_2253276878119486_6466543391248220160_n 65558420_2253276951452812_1737875812436148224_n 65765549_2253277014786139_3426906533772918784_n 65516174_2253277068119467_9105127004465790976_n

COMMENTS