CABAYS.COM
Madaxweynaha Putland Oo Ka Hadlay Dagaalka Ciidamada Somaliland Iyo Putland Ku Dhexmaraya Tukaraq
May 15, 2018 - Written by Cabays

Garowe(Cabays Media) Iyada oo uu dagaal weli ka socda deegaanka Tukaarq ee Gobolka Sool ayaa Madaxweynaha maamul gobolledka Puntland Cabdiwali Gaas waxa uu ka hadlay dagaalkaas.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada maamul gobolledka Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay weerar gardaro ah kusoo qaadeen fadhiisinka Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin meel u dhow deegaanka Tukaraq.

Sidoo kale waxaa Qarka qoraalka ah lagu sheegay in Puntland ay marwalba kasoo horjeedo in dhiig halkaasi ku daato.

Hoos Akhriso Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

COMMENTS