CABAYS.COM
Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax-dhigay Dhismeyaal Cusub oo Lagu Kordhin doono Xarunta Cusbitaalka Guud
December 9, 2018 - Written by Cabays

Cabays.media(Hargeisa Somaliland)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee Cusbitaalka Hargeysa ka dhagax-dhigay waadh cusub oo gaar u noqon doona Ummulaha iyo dhallaanka.

Munaasibad kooban oo lagu dhagax-dhigayey dhismayaashan cusub ee uu cusbitaalku yeelan doono oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee cisbitaalka Hargeysa oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo uu hormood u yahay wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo shaqaale weynaha ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxana ay masuuliyiinta cusbitaalka guud faahfaahin kooban ka bixiyeen qaabka uu noqon doono dhismaha cusub ee haweenka iyo dhallaanka loo hirgelinayaa iyo sida uu u saacidi doono baahidii cusbitaalka taallay.

Agaasimaha cusbitaalka guud ee Hargeysa, Dr. Axmed Cumar Askar oo ugu horrayn hadal kooban jeediyey, ayaa shaaca ka qaaday inay dhismaha xarunta cusub ee Ummisha iyo dhallaanka uga golleeyihiin sidii meesha loo yarayn lahaa baahida dhinaca dhismeyaasha ee cusbitaalka guud, isla markaana ay ay Hooyada dhalaysaa u heli lahayd goob ku habboon dhalmada, ubadka dhalanayaana ay daryeel buuxa ka helaan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa isaguna dhinaciisa xukuumadda uga mahadnaqay sida ay ugu hagarbaxday dhismaha iyo casriyeynta cusbitaalka guud ee Hargeysa, isaga oo madaxweynahana ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in kor loo qaado tayada adeegyada uu cusbitaalku bixiyo iyo ballaadhinta dhismihiisaba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey hawsha adag ee ay bahda caafimaadku bulshada u hayso iyo sida aanay dheef ku filan uga helin, waxana uu ka codsaday inay dedaalkooda laban-laabaan, isla markaana ka hawlgalaan sidii cusbitaalka guud ee Hargeysa u noqon lahaa mid lagu soo hirto, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Bahda caafimaadka dadkiinnu way idiin mahadnaqayaan, waxana la idiinku mahadnaqayaa nafta Bani’aadamka, ayaa badbaadisaan oo usoo jeeddaan, dhaqaalena kuma qabtaan, laakiin intaas iyo in ka badan baa la idinka rabaa, dal baynnu dhisaynaa, waxana aynnu doonaynaa inay cusbitaalladeennu noqdaan kuwo loosoo dawo doonto oo aanay dadkeennu diyaarad u raacin dad idin lamid ahi waxa ay qabteen.”

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey baahida loo qabo in kor loo qaado tayada shaqaalaha caafimaadka iyo sida ay lama huraanka u tahay in gacmaha la isu qabsado horumarinta cusbitaalka guud ee Hargeysa, “Waxaynnu u baahannahay inaynnu beddelno dhaqankeenna shaqaalaha caafimaadka, ka Booliska iyo ka shaqaalaha oo dhan, mar haddaad tabcayso oo aad waqtigaagii dadkaaga siinayso, dadkaagii si wanaagsan ula dhaqan. Lacagta inagaga baxda diyaaradaha lagu tago Hindiya iyo fiisahoodu Cusbitaallada ugu wanaagsan adduunka ayey halkan ka dhisi lahaayeen, annaguna qaybtayada waannu ka qaadanaynaa, idinkuna qaybtiina ka qaata haddaad bahda caafimaadka tihiin, waana in cusbitaalkii nidaam loo yeelaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kharashka ku baxaya dhismahan cusub ee loo dhisayo cusbitaalka guud ee Hargeysa, ayey bixin doontaa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu noqon doonaa dhismahan mid shub ah oo ay yaalliin ilaa lixdan sariirood oo loogu talo galay hooyada ummulaysa iyo dhallaanka.

 

FB_IMG_1544360555468 FB_IMG_1544360494801 FB_IMG_1544360497464 FB_IMG_1544360499485 FB_IMG_1544360501423 FB_IMG_1544360503347 FB_IMG_1544360505401 FB_IMG_1544360508175 FB_IMG_1544360511754 FB_IMG_1544360513740 FB_IMG_1544360516681 FB_IMG_1544360519003 FB_IMG_1544360521310 FB_IMG_1544360530585 FB_IMG_1544360534061 FB_IMG_1544360544572 FB_IMG_1544360546861 FB_IMG_1544360548700 FB_IMG_1544360550840 FB_IMG_1544360552761 FB_IMG_1544360555468 FB_IMG_1544360557774 FB_IMG_1544360562808

COMMENTS