CABAYS.COM
Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Kulan-Hawleed Lagu Dardargelinayo Hawlaha Xukuumadda Oo Loo Qabtay Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha Dawladda
December 25, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media(Hargeysa)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweyne Ballaadhan oo loo qabtay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawladda, kaas oo lagu dardargelinayo hawlaha xukuumadda.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa hawlaha dawladda, loona tayeyn lahaa adeegga ay hay’adahaasi u qabtaan shacabka, waxana uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, iyada oo ay halkaas casharro muhiim ah ka bixin doonaan khubaro muwaadiniin ah.

Waxyaabaha kale kulankani inta uu socdo lagu lafo-guri doono, ayaa waxa kamid ah siyaasadaha haatan jira hay’adaha xukuumaddu ku hawlgalaan, curinta kuwo cusub, caqabadaha ka hor yimaadda agaasimayaasha guud iyo xallintooda iyo arrimo kale oo badan oo la xidhiidha hufnaanta adeegga shaqo ee wasaaradaha kala duwan ee dawladdu bulshada u hayaan.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo ugu horayn madaxweynaha warbixin ka siiyey ujeedka kulankani ayaa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay sida ay hay’ad ahaan xilka iskaga saareen dhismaha aqoonta iyo haybadda shaqaalaha kala duwan ee dawladda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in agaasimayaasha guud ee hay’adaha dawladdu ugu horreeyaan cidda laf-dhabarta u ah adeegyada kala duwan ee xukuumaddu u qabato bulshada, taasina ay sabab u tahay kulanka maanta loo qabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dardaaran iyo hogo-tusaalayn isugu jira kulanka ka jeediyey, ayaa ugu sharraxay kaalinta laxaadka leh ee ay agaasimayaasha guud kaga jiraan hawlaha dawladda iyo adeegyada shacabka loo qabto iyo sida ay furaha ugu yihiin shaqada fulineed ee xukuumaddu u xilsaaran tahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dawladdu waa saddex dhardaraar labada kale midna wax buu xukumaa midna wax buu soo jeediyaa, laakiin fulinta waxa loo dhiibtay xukuumadda. Xukuumaddii markaa saddex uun baa wax fuliya, madaxweynaha, wasiirka iyo agaasimaha guud, laba way fikiraan oo qorshe ayey keenaan oo waa madaxweynaha iyo wasiirka. Fulintii uu Dastuurku dawladda saaray ee uu madaxweynaha iyo wasiirka saaray madaxweynihii iyo wasiirkii waxa ay heleen qorshayn iyo kormeer, fulintii Dastooriga ahayd waxa ay dul timi Agaasimaha guud, jananka ciidamada iyo kuwa la mid ka ah, markaa xilkaa ina saarani distooriyan sidaas ayaanu u yarayn, waxana aan jeclahay inaynnu dadka iyo waqtigaba aad u ilaalino.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xubnaha Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha ku adkeeyey in xeerka dawladdu ka reebay agaasimayaasha guud inay siyaasadda ku lug yeeshaan, isla markaana adeegga wanaagsan ee bulshada loo qabanayo iyo in loo hagar baxo shaqada qaranku tahay hannaanka kaliya ee ay agaasimayaasha guud taageero ugu soo hoyn karaan dawladda ay ka tirsan yihiin, “Xeerka shaqaalaha dawladda, xeerka doorashooyinku labaduba agaasimaha guud, Jananka, Safiirka iyo shaqaalaha dawladda ee A-da ah ee Waaweyn wuu ka mamnuucay inay galaan siyaasadda, laakiin 20-kii sanno ee ugu dambeeyey waxa dhaqan noqotay inuu xagga siyaasadda dawladda uu ku jiro uu soo taageero. Haddii aynnu is weydiinno sida dawladda loo taageerayo waxa loo taageerayaa haddii dadweynaha shaqo wacan loo qabto kolba intii itaalkeenna ah, dawladdii waad taageertay,” ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda ku adkeeyey inay diyaar garoobaan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen Barnaamijka shaqo qaran oo dhawaan si rasmi ah u bilaabmi doonaa, isla markaana ay aqoontooda iyo waayo-aragnimadoodaba kaga qaybgalaan barnaamijkaas qaran oo ay kumannaan dhallinyaro ahi aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ku korodhsan doonaan.

FB_IMG_1545743068063 FB_IMG_1545743062281 FB_IMG_1545743058198 FB_IMG_1545743053407 FB_IMG_1545743049113 FB_IMG_1545743043634 FB_IMG_1545743034338 FB_IMG_1545743029826 FB_IMG_1545743023543 FB_IMG_1545743015805 FB_IMG_1545743010156 FB_IMG_1545743004928 FB_IMG_1545742999745 FB_IMG_1545742995155 FB_IMG_1545742989567 FB_IMG_1545742984942

COMMENTS