CABAYS.COM
Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Berbera Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Jimcaha
November 30, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Barbara)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kala qayb-galay tukashada salaadda Jimcaha.

Madaxweynaha oo weli ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta salaadda Jimcaha shacabka kula tukaday masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan.

Shacabka maanta ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimcaha, waxana ay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.FB_IMG_1543576298624 FB_IMG_1543576293528 FB_IMG_1543576288948 FB_IMG_1543576284287 FB_IMG_1543576279322 FB_IMG_1543576275141 FB_IMG_1543576263464 FB_IMG_1543576258449 FB_IMG_1543576253705 FB_IMG_1543576248417

COMMENTS