CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi “Doorashadu Waa Inay Noqoto Mid Inoo Keenta Horumar”
September 13, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xiliga la gaadho ololaha doorashada ay xisbiyadu u tartamaan hanaan ku dhisan niyad wanaag, isla-markaana laga dheeraado waxyaabaaha caqabada ku noqonaya geedi-socodka doorashada.

 

“Doorashadii lasoo qaaday wakhtigeedii waa soo socdaa, waxaan filayaa in doorashadaasi noqoto mid inoo keenta Horumar is jaceyl iyo midnimo, walaalo tartamay oo aan Coloobin, waynu koraynaa Xisbiyadu waa korayaan habka Kaanbaynka loo gelaayo waa la korayaa, ma noqonayno inaan abuurno cadaawad iyo xanaf lagu rafto.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabinayeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa

 

Waxaanu Madaxweynuhu intaas ku Sarah. “Umana baahnin, mar labaad baan u mahad naqayaa Jaamacada Ardayda qalin jabinaysana u Hambalyeynayaa, Horumar baan inoo rajaynayaa”.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS