CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka Tuke-raq Ee U Dhexeeya Somaliland Iyo Puntland
May 24, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha Somaliland oo ku sugan magaalada Saylac ayaa waxaa uu ka Hadley dagaalka saaka ku dhex maray deeganka Tuko-raq cidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland dhinac na iska difaaceyso dhinac-na ay ka dagaalameyso oo ay xuduudaheeda ay ilaashaneyso waxaana uu yidhi “Somaliya saaka weerar bay inagu soo qaadey , dagaalkii hada wuu socda dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ba wuu jiraa , waana wax binu aadam nimada ka baxsan in bil ramadaan dad gurmad ku jira la soo weeraro .

Balse waxaanu u sheegaynaa Somaliland horumarkeeda waa ay daafaceysaa oo hore ayey u soconeysaa , Somaliland nabad u jeeda ee dagaal uma jeedo , Somaliland dhinac na wey iska difaaceysaa , dhinac na gurmadka ayey ka wadeysaa ” ayuu yidhi madaxweynaha Somaliland.

Halkan hoose ka DAAWO hadalka Madaxweynaha

COMMENTS