CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi Oo Xuska Sanad Guuradii 27aad Ee La Soo Noqoshada Xoriyada Somaliland Ka Jeediyey Hanjabaad Ku Wajahan Xiisadaha Tukaraq & Ceelafweyn
May 15, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa( Cabays Media) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay xuska maalinta Qarannimada Somaliland ayaa sheegay in ciidamada Qaranku guul ka gaadheen dagaalka ay ku soo qaadeen ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan u sheegayaa qaranka Somaliland in ciidanka Somaliland ay ka gaadheen guulo la taaban karo dhammaan jihooyinkii laga soo weeraray oo ay weliba hubna ka furteen jabiyeenna difaacii ciidanka.” ayuu yidhi madaxwweye Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland gacan ku difaacayso Qarannimadeeda midna ugu dabaal degayso maalinta xuska 27 guurada aasaaskii Somaliland waxaanu Soomaaliya ugu hanjabay in dagaal lagu hoobtay ka dhici doono ilaa xuduudka laga gaadhayo haddii aanay joojin gardarrada ay Somaliland ku hayaan.

“Waxaan u sheegaya Soomaaliya iyo Caalamkaba in aanu u taagganahay nabad, waxaanu u taagganahay nabad, waxaanu doonayna Horumar, ma doonayno dagaal, waxaa se naga ballan ah ku yar iyo ku weyn haddii nala soo doonto oo dalkayaga la faro geliyo in ay colaaddaasi noqoto tu lugu gubto oo imbadan socota ilaa laga gaadhayo xuduudkayaga,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Colaadda Ceelafweyn:-

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in dufcaddii u horaysay ee lagu soo qabtay dagaalka Ceelafweyn lagu xidhay Boorama kuwa xigana la gayn doono Saylac oo ah galbeedka Somaliland.

“Walaalayaal dagaalka ka socda Ceelafweyn oo soo noqnoqday waxa dawladda ka go’an in ay ka qaado tallaabo dawladnimo oo ay soo xidho oo gacanta ku soo dhigto qof kasta oo nabad diid ah. Waxa ku sugan Sanaag wasiirkii daakhiliga iyo ciidamo xooggan oo aan hawsha baryayn oo aan ku waaninayn. Waxa Illaahay mahaddii ah in 50 qof oo hubaysna oo hubka laga dhigay laga soo xidhay Ceelafweyn oo ay habeen hore u gudbeen Boorama, kuwa la soo wadana waxaanu u gudbin doona Saylac. Ogayga, Taajirka, Inanka, Inanta dagaalka ka qayb qaata ee fidmo wadaha ah gacan dawladeed baynu ku qabanayna waana inoo go’aan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa kale oo uu ka hadlay rabshadaha shalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag “Waxaan ugu baaqaya waxgaradka gobolka Sanaag in ay ka qayb qaatan daminta colaadda ay wax ma garatada iyo dadka fidmo wadeyaasha ahi abuurayaan. Waxaan baaq gaar ah u sii jeedinaya magaalada Ceerigaabo maayarkeeda iyo odayaasheeda waxyaabaha ilaa shalay ka dhac-dhacayay in ay ka hawlgalaan. Waa arrin naxdin leh magaalo weyn oo Ceerigaabo oo kale ah inama yaryar qoryo la soo galaan oo dad xabad ku dhuftaan. Ciidamadu way ka hawlgalayaan magaaladana waxay ka dhigeen bandow waa in arrintaas la isugu taga,” Sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu.

COMMENTS