CABAYS.COM
Madaxweyne Biixi Waa Madaxweynihii Somaliland Ee Ugu Adeegsiga Badnaa Barta Twitter-ka
April 24, 2018 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media )Baraha Bulshada ayaa si xawli ah iskugu badalaya habab sahlan oo ay madaxda dunidu wararka iyo xogaha shaqadooda ugu gudbiyaan shacabkooda. Waxa xiiso gaar ah leh in Madaxweynaha Dalka ugu awooda badan Dunidu, Donald Trump, noqday madaweynihii ugu saamaynta badnaa ee sida weyn u adeegsaday barta Bulshada ee Twitterka, sannadihii ina soo dhaafay. Barta uu ku leeyahay Twitterku wuxu u addeegsaday in ku daabaco qoraalo maamulo iyo siyaasadeed oo isbedel weyn ku sameeyey hanaanka dawladnimo ee Maraykanka.

Hadaba baraha bulshadu ma aha keliya meel qofku warkiisa ku tabiyo. Waa mid laba dhinac ah. Ka sokow xogta aad la wadaagayso dadka qoraalkaaga akhrisanaya, sida oo kale waxa aad leedahay dad aad qoraaladooda aragtid, oo aad la socotid. Marka ay timaado xidhiidhkaas laba dhinac laha ah, waxa aad dareemaysa cidda sida gaarka ah ay madaxdu xogtooda u qaadato, ama ugu yaraan qaabeeya hab-fakarkooda hoggaamineed iyo maamul. Waxa kale oo aad oo aad si fudud u daraasayn kartaa dabeecadaha qarsoon ee qofka sida joogtada ah u addeegsada qaybaha kala duwan ee Baraha Bulshada.

Madaxweyne Biixi iyo Addeegsigiisa Twitterka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mid ah hoggaamiyaasha dalalka Afrika ee sida tooska ah u addeegsada barta uu ku leeyahay Twitterka [@musebiihi]. Taas oo wax badan inooga sheegi karta siyaasadaha, dabeecadaha, iyo dhaqanka gaarka ah ee madaxweynaha.

Sida ku cad bartiisa gaarka ah, Madaxweyne Muuse Biixi wuxu bilaabay addeegsiga Twitterka bishii April 2016. Ilaa haatan madaxweyne Biixi wuxu bartiisa ku daabacay qoraalo kor u dhaafaya 300 oo farriimood. Kuwaas oo ay ka mid yihiin wareegtooyin magacaabiseed, farriimo uu ugu tallo galay dadweynaha, xogaha safarada uu dalka uga baxo iyo kulano badan oo uu yeesho. Farriimahaas oo uu ku soo lifaaqo muuqaalo iyo sawirro kala duwan. Wuxu si siman wax ugu qoraa luuqadda ingiriisiga iyo af-Soomaaliga.

Labada sawir ee u saaran bartiisa gaarka ah waa kuwo aanu midnaba dhoolcadaynayn. Xiiso gaar ah waxa leh sawirka qaybta sare [cover photo] u saaran, kaas oo ah mid uu hor-boodayo siyaasiyiin Xisbiga KULMIYE ka tirsan. Dhammaantood waxa ay xidhan yihiin muraayadihii indhaha, midkoodna kama muuqato wax farxad ah, iyaga oo u muuqda kuwa samaynaya gaardis ciidam.

Immisa Qof Baa La Socda Fariimaha Madaxweyne Muuse?

Barta gaarka ah ee Madaxweyne Biixi waxa la socda in ka badan 10, 800 ruux. Kuwaas oo badankoodu ah dad Soomaali ah iyo dhawr faro-ku-tiris ajaanib ah.

Ma jiraan siyaasiyiin waaweyn, kuwa dalka amma dibadaha ah iyo Baraha Rasmiga ah ee wadamada dunida oo si gaar ah u xiiseeya farriimaha uu Madaxweyne Biixi ku daabaco bartiisa gaarka ah. Arrintan oo loo fasiran karo in farriimaha uu madaxweynuhu gudbiyaa aanay lahayn saamayn dibadeed.

Farriimaha loogu gudbiyo bartiisa gaarka ah waa kuwo iskugu jira dhaliil, ammaan, duco iyo tilmaamo kale. Madaxweyne Biixi marnaba kama jawaab celiyo farriimaha khaaska ah ee bartiisa loogu qoro.

Immisa Qof Buu Madaxweyne Muuse La Socdaa Farriimahooda?

Ilaa iminka waxa uu kala socdaa dad gaadhaya 189 ruux. Kuwaas oo badankoodu ah dhallinyaro arrimaha bulshada ka faallooda, diblumaasiyiin caalami ah iyo siyaasiyiin dunida caan ka ah. Cel-celis ahaan, dadka ajaanibka ah ee uu Madaxweynuhu farriimahooda sida gaarka ah ula socodo waa kuwa ka soo jeeda dalka Ingiriiska sida: Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Madaxa Isgaadhsiinta ee Xafiiska Arrimaha Dibada Ingiriiska, Wasiiro ka tirsan Ingiriiska, Maayirka London, Xafiiska Arrimaha Gudaha, Xafiiska Raysal-Wasaaraha, David Cameroon oo ahaa Raysalwasaarihii hore ee UK iyo Xubno Baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan. Taas waxa dheer in dhallinayarda Qurbaha ee uu la socdo farriimahoodu yihiin kuwa badanka ku nool dalka Ingiriiska.

Dhanka kale, waxa uu sida oo kale aad ula socda qaar kamid ah Baraha Rasmiga ah ee Dawladda Maraykan iyo dad caan ah oo ka soo jeeda dalkaas sida: Aqalka Cad, Madaxweye Trump iyo xaaskiisa, Barack Obama iyo xaaskiisa, Madaxweyne ku-xigeenadka Mike Pence iyo kii ka horeeyey, VP Biden, Hillary Clinton, Wasaaradda Arrimaha Dibada, Waaxda Caawimaha Maraykanka, Safaaradaha Maraykanka ee dalalka Jabuuti, Kiiniya iyo Itoobiya.

Farriimaha Uu Jeclaaday [liked]

Waxa aad si dhaw u fahmaysaa dareenka madaxweynaha iyo waxyaabaha uu jecel yahay. Ilaa iminka waxa uu ‘jeclaaday’ 20 farriimood oo lagu daabacay barta Twitterka. Kuwaas oo tii ugu danbaysay ahayd qoraal uu soo dhigay Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Maraykanka Mike Pence. Farriintaas oo Mike ku dhiirigelinayo dadka beeralayda iyo reer-guuraaga Maraykanka. Lama garan karo macnaha ay u leedahay in uu shaqo aan dalkeena khusayn in uu si gaar ah ula socdo, marka laga tago mawduuca guud ee la xidhiidha wax-soo-saarka mooyaan’e.

Farriimaha ugu badan ee uu Madaxweyne Muuse ilaa iminka sida gaar ah uga helay waa kuwo ay qoraan dad ka faaloonaya arrimaha la xidhiidha doorashadii ka qabsoontay dalka bishii November. Waxa ugu xiiso badan farriintan uu daabacay @rooble2009, oo u dhignayd sidan: “ Musharaxa Xisbiga WADDANI oo la hadlay Warbaahintu, waxa uu sheegay in uu aqbalay natiijadii Doorashada, isaga oo tixgelinaya midnimada Shacabka Somaliland…”. Dareenka uu u muujiyey farriintan, waxa ay muujinaysa sida ay kurbada ugu haysay loolkankii doorashada iyo weliba maxsuulkii ka soo baxay.

Siyaasiyiinta Somaliland ee Madaxweyne Biixi La Socdo Barahooda Twitterka?

Siyaasiga keliya ee uu sida tooska ah ula socdo ee ka soo jeeda Somaliland, marka laga tago Madaxweynihii hore ee Siilaanyo, Madaxweyne ku-xigeenka haatan ee Saylici iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre waa Maxamuud Xaashi Cabdi. Waa siyaasi in badan lagu xanto in ay ka dhaxayso tartan iyo loolan hoose oo xisbiga Kulmiye hoggaamintiisa ku lug leh. Ma cada sababta gaarka ah ee u xushay in uu la socdo farriimaha khaaska ah ee Maxamuud Xaashi.

Hab-fakarkiisa Arrimaha Dibadda iyo Addeegsiga Twitterka

Baraha u la socdaa waxa ay tilmaan inaga siinaysa siyaasaddaha arrimaha dibada ee u gaarka ah Madaxweyne Biixi. Markaas waxa isticmaalkiisa twitterka iyo dadka uu gaar ula socdo Madaxweynaheenu u janjeedho dhanka dunida reer galbeedka: gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska.

Dhanka kale, wadamada sida gaarka ah u xiiseeyo ee Afrika waxa ugu horeeya Dalalka Itoobiya, Jabuuti, Kiiniya, Yugaandha iyo Rwanda. Kuwaas oo in ka badan laba amma saddex barood oo ku saabsan dalalkaas uu si dhaw ula socdo. Tan oo ifafaale ka bixinaysa hab-fakarkiisa siyaasadeed ee la xidhiidha wadamada jaarkaWadanka carbeed ee uu sida gaarka ah u xushay waa dalka Imaaraadka. Wuxu la socdaa Barta Raysal-wasaare ku xigeenka Sheekh Maansuur iyo Rugta Ganacsiga. Ma jiro dal carbeed oo kale oo uu barahooda la socdaa. Mar kale, tan waxa ay inoo muujinaysa sida uu ula dhacsanyahay uguna xidhanyahay dalka Imaaraadka Carabta oo ah dalka keliya ee Carbeed ee ay Somaliland xidhiidho dhinacyo dhawr ah leh yeesheen. Si kale haddii loo dhigo inaanu madaxda dalalka kale ee Carbeed ku xidhnayn waxa iyana loo akhrisan karaa inaanu ka warqabin dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda khaliijka iyo guud ahaan dunida Carabta ee aynu bulsho ahaan ku ab-tirsano.

Waxa jira dhawr barood oo uu si gaar ah ula socdo, kuwaas oo laga leeyahay Dalka Turkiga. Dalkaas oo kamid ah kuwa ugu xidhiidhka dhaw shacabka Soomaalida guud ahaan, marar badana marti-geliyey wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Barahaas waxa ka mid ah kuwan: Madaxweyne Erdo?an iyo Raysal-wasaare Ahmet Davuto?lu.

Ma jiraan hal bar oo rasmi ah oo uu kala socdo sheekooyinka iyo wararka Dunida ‘Shuuciga ah’ sida: Ruushka, Shiinaha, iwm.

Ugu danbayn, ma jirto hal warbaahineed oo si rasmi ah af-Soomaali wax ugu daabacda oo Madaxweyne Muuse la socdo. Taas oo wax weyn ka sheegaysa sida aanu ugu heelanayn in uu akhristo wararka maxaliga ah, bal se taas lidkeeda uu aad uga doorbido sheekooyinka afafka qalaad iyo kuwa wadamada shisheeyaha ah.

Source: Geeska Afrika

COMMENTS