CABAYS.COM
Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Kulmi Doona Iyo Dalka Ay Ku Kulmayaan
June 9, 2018 - Written by Cabays

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdillahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inay dhawaan ku kulmo doonaan dalka Jabuuti.

Xogo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Somaliland Soomaaliya ay isku diyaarinayaan inay u safaro ay ku tagayaan dalka Jabuuti, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan wada-hadaladoodii ugu horreeyay.

Xogtan ay heshay Shabakadda wararka ee Barigaafrikanews.com ayaa waxa ay sheegaysaa in Madaxweynaha Jabuuti uu ka dalbaday labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya inay dalkiisa ku yeeshaan wada-hadalo toos ah.

Ugu dambayntii maaha markii ugu horraysay ee Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo casuumad u fadiyo Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillahi Farmaajo balse ma ay suuro-gelin inay dhacaan kulamadaasi.

COMMENTS