CABAYS.COM
Madaxweyne Farmaajo ma ku jiraa dabin diblomaasiyadeed oo uu aayar dalaq yidhi?
November 29, 2018 - Written by Cabays

Cabays(Cabays Media) –  Faallo : Heshiiska dhexmaray raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed  iyo madaxweynaha Eretariya, Isaias Afwerki waxa uu u baahday dhamaystir dhaliya in shuruuda ugu weyn ee hirgalinta heshiiskoodu ku meel marikaro, taas oo ah in Cuno-qabataynta Qaramada Midoobay ee saarnaa Eretariya  ilaa iyo sanadkii 2009-kii oo ku dhow toban sano oo curyaamiyey dhaqaalaha iyo horumarka dalka Eertariya in uu noqdo ta ka kow ah heshiis waara.

Haddaba si Eretariya Cuno-qabataynta looga qaado waxa Abiya Axmed ay kaliftay in uu dhulka u dhigo, lana soo boxo siyaasad ka duwan tii ay dawlad kasta oo Itoobiya ka jirtaa kula dhaqmi jirtay xukumad kastoo Muqdisho ka jirtay 29kii sano ee ugu dambeeyey, si uu u gaadho hadafka uu ka lee yahay Eretariya oo ah mid diciifinaya awood ka jirtay gudaha Itobiya oo uu Raysalwasaare Abiya meesha ka saarayo, taas oo ka tii Tigrayga oo ah kuwa aabaha u ah colaada dhaxtaalay Itoobiya iyo Eretariya, isla markaana ay xuduud leeyihiin dalka Eretariya.

La heshiintii sida kadiska ah uga timid Addis Ababa ee Asmara, waxa ay ka maarsan weyday in ay Muqdisho xukumadeeda la soo galiyo xayndaabka, si looga helo taageero baaq wada jir ah oo ay u gudbiyaan Itoobiya iyo Soomaaliya in Eretariya laga qaado Cunaqabataynta saarnayd. Sobobta Muqdisho hogaamiyaheeda loogu baahday waa mid lagaga maarmayey Jibuuti oo aan ku qanacsanayn in Eretariya looyeelo arinkaa ilaa iyo inta khilaafka xuduudu ka dhaxeeyo.

Ogow in Cunaqabataynta Eretariya ay markii horeba ku timid in wadamada Itoobiya, Jibuuti iyo Somalia ay Qaramada Midoobay iyo wadamada awooda buuxda ku leh ku qanciyaan in Eretariya tahay tan Geeska Afrika qasaysa ee taageerta argagixisada, sida Al-Shabaab iwm. Si looqaado Cunaqabatayntaas waa in isla intii soo oogtay oo dhan ka soo wada jeedaa ay dib ugu celiyaan Qaramad Midoobay in wax iska badaleen doodii hore, Eretariyana ka baxday wixii loo haystay in ay ku kacdo.

Siyaasada uu haddaba Abiya Axmed ku meel marsaday Madaxweyne Farmaajo ayaa ah mid iyaduna kaliftay in Abiya Axmed isna wax ka tanaasulo, waxna ka ogolaado Farmaajo si tiisuna u hirgasho. Arinta ugu culus ee Farmaajo laga marsaday kaadhka diblamasiyada ayaa ah in uu ogolaado in Cunaqabatayn laga qaado Eretariya, marka taasi dhacdayna Abiya Axmed uu arimaha qaarkood ay u soo baxday Farmaajo sidii uu moodayey in aanay noqon.

Tusaale ahaan waxa ay ahayd in Farmaajo sidoo kale Jibuuti ka soo xasiliyo in ay dhan ka raacdo Siyaasda Abiya Axmed ee Eretariya iyo Cunaqabataynta laga qaado. Hase ahaatee Farmaajo waa uu ku guul daraystay in uu qanciyo madaxda Jibuuti, inkastoo Jibuuti arinta la la eegtay xili ay dawladihii ay isku wanaagsanaayeen 2009-kii markii Eertariuya la saaray Cunaqabataynta, sida dalka Maraykan aanu sidii hore ahayn oo Jibuuti lagu qaniinay in dalka Shiinaha ay siiso saldhi milatari , taasina ay ku weyday taageeradii hore.

Dhanka kale Farmaajo waxa uu u qaatay in uu helay fursad uu isna dhankiisa, sida tan Abiya Axmed uu doonayo in uu wax kaga qabto oo kale, taas oo ah xidhiidhka siyaasadeed ee tooska ah ee ay la leeyihiin Dawlad Goboleedyada Soomaaliya. Taas oo Farmaajo isna dhankiisa kaga faa;idaystay in uu heshiisyada ku darsado in dawlada Itoobiya joojiso xidhiidhka iyo u soo socodka dhankooda ee madaxda maamulgoboleeda ka mid ah Federaalka Soomaaliya.

Sobobta madaxwyen Farmaajo ugu faanayo in uu sidii beertii oo kale gacanka waraabiya looga xidhi biyaha ku fatahay, uu soo xidhay gacan dhib ku fatihinayey Soomaaliya, taas oo ah Itoobiya ama Eretariya, waa aragti siyaasadeed oo aad u gaaban oo aan ka duulayn xaqiiqda dalka uu sheego in uu madaxweyne u yahay. Waayo dhibta waxa uu ka riixay halka ay salka ku hayso ee ay ku xididaysatay, isagoo isdiidsiinaya taariikhda dhabta ah ee dhibta Soonaaliya.

Laakiin dhanka Raysalwasaare Abiya Axmed,  wuu ku khasabnaaday in uu hoos u dhigo xidhiidhka hogaamiyeyaasha maamul goboleeda Soomaaliya, haddii kale ma helayo taageerada uu Farmaajo ka rabo. Ogolaanshaha qodobada uu Farmaajo isna dhankiisa soo dhigtay waxa ay dabcan u yihiin guul uu gaadhay, hase ahaatee mudo intee leeg ayey noqonaysaa in Abiya Axmed ka sii aqbalo meel marintaa heshiiskaas, waayo cidda danteedii ugu weynayd gaadhay waa Raysalwasaare Abiya Axmed oo hal-dhagax ku dilay laba shibirood – waa Eretariya oo uu xidhiidhkeedii soo celiyey, si uu ugu dilo awoodii 28ka sano Itoobiya haysatay ee Tigreega iyo in uu Farmaajo ka marsado gaadhka diblamaasiyada ee u ogolaanaya taageeradda in Eretariya laga qaado cunaqabataynta.

Waliba taageerada Farmaajo si uu u sii hanto waxa uu ku qurxiyey siyaasadiisa heshisyo uu ogyahay in aanay wada buuxin karin xukumada madaxweyne Farmaajo iyo xidhiidh ganacsi oo aan jirin ama aan cusbayn iyo in diyaarada Itoobiya ay Xamar duulimaadyo ku samayso- dhamaan arimahin waa ku dhigaya sawir qurux badan in Abiya Axmed yahay in aad ugu diyaar ah in uu Soomaaliya kadinkeedu yahay xafiiska Farmaajo, balse xaqiiqada wuu ogyahay.

Marka si qodo dheer loo eegana siyaasada Abiya Axmed iyo ta Farmaajo waxa qoto dheer tan Abiya Axmed oo isagu meel marsaday tii uu rabay oo uu ku socdaa waxna ugu hirgalayaan gudaha Itoobiya iyo dhanka Eretariya, halka Farmaajo ayna wax sidaa u buuran ama miisaan leh uga soo kordhin heshiisyada uu la galay Abiya oo halkii ay ka caawin lahaayeen kuba kiciyey khilaaf xukumadiisa iyo maamul-goboleedadii Soomaaliya iyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee Jibuuti oo aan sidii hore sii ahayn.

Dhanka kale Raysalwasaare Abiya Axmed oo og xaqiiqada in aan Farmaajo aanu awood u lahayn in uu iska hortaago xidhiidh kasto oo ay la yeelanayaa Somaliland, ayaa haddana loo muujiyey in sida uu doonayo loo yeelo, iyadoo haddana aanay xukumada Addis Ababa yeelayn, walina furan yahay xidhiidhkii ay Somaliland la hayd, sida dhanka milatariga, sirdoonka, ganacsiga iyo xidhidhka Addis Ababa iyo Hargeysa oo aan istaagin, ka sokow safiirkii fadhiyey Hargeysa oo sida safiiradii kale ee Itoobiya wadamada kale u joogay dib loogu yeedhay.

Shaki kuma jiro in Raysalwasaare Abiya Axmed uu hadda yahay kan dabinka uu u galay Farmaajo si sahlan, waxase la eegaa halka uu sal dhigo siyaasada dhan ka raran ee lagula maacaamilay Farmaajo oo aan waxba ka badalin xaaladii dalkiisa Soomaaliya, balse faa’iidad weyn u keentay Itoobiya oo iyadu gudaheeda uu ka socdo is reeb reeb culus oo ah mid qoomiyadi ay qoomiyad kale kala wareegayso awoodii ay inta badan hayeen.

COMMENTS