CABAYS.COM
Madaxweyne Farmaajo oo ka dalbaday xubno Somaliland ka soo jeeda waxa qorshe ku wajahnaa JSL uu u fashilamay
June 16, 2019 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Wararka Villa Somalia ) Kulan aan hore u qorshaysnayn, isla markaana uu si deg deg ah u dalbaday madaxweyne Maxamaed Cabidlaahi Farmaajo ee dalwada Muqdisho ayaa ka dhacay xarunta Villa Soamaaliya.

Sida ilo aad ugu dhadhow xubnaha kulanka yeeshay ay u xaqiijiyeen Cabays Media wariye ka tirsan, kulankan oo ay abaabulkooda si wada jir ah u lahaayeen odayga ku magacaaban Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dawlada Faderaalka Soomaaliya iyo Farmaajo ayaa la iskugu yeedhay xubnaha aad ugu dhadhow Farmaajo ee u xilsaaran meel marinta qorsheyaasha loo maleego Somaliland,  kuwaas oo kala ah madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo sadexda masuul ee ugu sareeya xubnaha sheegta in ay Somaliland ku ma talaan ee xilalka ay ka hayaan dawlada Muqdisho. kuwaas oo kala ah Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Baashe Yuusuf Axmed iyo Raysalwasaare ku xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed ( oo ku magac dheer Khadar).

Wararka laga helay kulankaasi ayaa sheegaya in lagaga hadlay dib u eegis lagu sameeyo sobobaaha ay u socon waayeen qorsheyaashii malaayiinta doolar ku baxday ee ku wajahnaa Jamhuuriyada Somaliland ee loogu talo galay in dawlada Farmaajo loogu sameeyo taageerayaal ku sugan gudaha Somaliland iyo in la diciifiyo qadiyada JSL. Waxaan ay ka wada hadleen sidii loo eegi lahaa xubnaha dawlada Farmaajo kaaga jira iyo hawlgaladooda u qorshaysnaa ee hore Farmaajo loogula heshiiyey.

Odayga ka soo jeeda deegaanka DDSI ee balse haybhaan loo tiriyo dhanka Somaliland, ee Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya,  Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo u hadlay xubnaha kulanka la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynaha u soo jeediyey inuu dib u bilaabo wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya isaga oo sheegay in Somaliland ay ka sii libdhayso la midow dambe oo ay layeelato Soomaaliya, inskatoo Somaliland laashay waxa wada hadal ah oo ay la yeelato xukumada Soomaaliya ah oo uu hogaamiyo Faramaajo.

Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu xubnahaa kaga cawday in ay xukumadiisa kaga baxdo lacago badan oo la xidhiidha sidii shacbiga Somaliland, siiba dayarta loogu soo jiidi lahaa dhanka Somalia, waxaanu ka gaabsaday in uu kala hadlo qorshe kale oo ay u soo jeediyeen oo ah in Faramaajo kordhiyo tirada xubnaha beesha Isaaqa ee Somaliland kaga jira xukumadiisa, taas oo la sheegay in Farmaajo ka hoos qaadi waayey xubnaha, balse uu la galay la xisaabtan lacago iyo qorsheyaal ay xubnahani qaarkood hore ula yimaadeen, kaas oo uu ku bixiyey lacago badan,balse aan u midho dhalin.

Xunabaha hayb-aan isku bahaystay ee kulanka la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaan dhinacooda wararku sheegayaan in ay ku kala tageen iyagoo kala waji dabbaya, isla markaana aan isla meel dhigin wax arin ah oo aan ahayn in ay dib iskugu soo nqodaan.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u xasaasi ah oo laga qariyey xubno kale oo abtirsiin ahaan ka soo jeeda beesha Reer Sheekh Isaxaaq oo diirada lagu saarayey. Waa markii ugu horaysay ee madaxweyne Farmaajo kula xisaabtamo xubnaha uu ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Raysalwasaare-xigeenka oo ah xubnaha ugu tunka weyn ee sanadahan dambe ku foogan Somaliland, kuna bixiya lacago badan sidii ay u kala jabin lahaayeen bulshada Somaliland ee ku midaysan qadiyad isku mid ah.

Sida ay hore u xaqjiijiyeen xubno ka miid ah Baarlamanka Soomaliya, waxa dawlada Farmaajo khore ugu bixisay lacag dhan soddon malyuun oo doolar sidi loogalin lahaa Somaliland arbush siyaasadeed oo ku salaysan isku horkeen qabaa’ilada iyo sidoo kale abaabul dagaal ka dhaca gobolka Sool iyadoo ciidamada Puntland la adeegsanayo.

La soco wararkan oo Cabays Midia isha  ku hayso

COMMENTS