CABAYS.COM
Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Raysal-wasaare Cusub
September 17, 2020 - Written by Khalid King

Cabays(Cabays Media) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo,  ayaa magacaabay Raysal-wasaare kadib muddo ku dhowr labo billood oo xilkan uu siiyay Raysal-wsaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guulleed.

“Madaxweyne Farmaajo, ayaa xilkaan u magacaabay  Maxamed Xuseen Rooble isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowladiisu wado.” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal lagu shaaciyey magacaabista xilka Raysal-wasaaraha cusub.

Rooble

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa qoraalka lagu shaaciyey magacabaaista Raysal-wasaaraha cusub ku hseegay in la ” faray Raysal-wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumadd tayo leh oo Soomaliya u horseedda in ay ka dhaqan geliso doorasho , dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaadhay amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamidho dhalinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo musuqmaasuqa”

 

Magacaabidan ayaa kusoo beegantay saacado kadib markii Muqdisho lagusoo gabagabeeyay shirkii arimaha doorashada, iyadoo loo malaynayo in magacaabistiisu qayb ka ahayd heshiiska Muqdisho lagu gaadhay.

Raysal-wasaaraha ayaa la magacaabay wakhti kala guur siyaasadeed ah oo la isku diyaarinayo doorashada Soomaaliya oo muran badani ku gadaaman yahay qaabka ay u dhacayso iyo xili mucaaridad xoogani kaga kacsan tahay magaalada Muqdisho madaxweyne Farmaajo.

Raysal wasaarihii xilka laga qaaday, Xasan Cali Khayre ayaa bogga uu ku lee yahay Twitter-ka ku hambalyeeyey Raysal wasaraha cusub. Raysal Wasaare Rooble ayaa la sheegay in uu ahaa rag  ka mid ah kuwo ay isku dhawaayeen  Khayre.

Screen Shot 2020-09-17 at 23.24.55

Raysalwasaaraha cusub magacaabistiisa ayaa sidoo kale waxa ay muujinayasaa in Raysal-wasaare Mahadi Maxamed Guuleed  oo xilkaa sii hayey, uu sii hayey kuris aanu u qalmin, isla markaana loo quudhayn. Lama oga in Raysal -wasaare ku xigeen cusub sidoo kale loo magacaabi doono xilka uu Mahdi inta uu ka dalacay hadana  laga riday.

La soco warkan oo wixii ka so kordha

 

Cabays Media

COMMENTS