CABAYS.COM
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Furay Shirweynaha Tacliinta Sare Ee Somaliland
December 12, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Hargeisa)Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta furay shirwaynaha qaran ee tacliinta sare, shirkaas oo socon doona mudo laba maal-mood ah ayaa lagaga doodi doono sidii loosii tayan lahaa waxbarashada sare ee Somaliland.

Gudoomiyaha Guddida tacliinta sare oo khudbad ka jeediyay shirweynahan ayaa sheegay in ay lagaga wada hadli doono sidii loo xoojin lahaa tayada waxbarashada Somaliland, jaamacadahana loogu kormeeri lahaa sidii ay u ilaalin lahaayeen tayadda ardayda jaamacadaha ku jirta islamarkaana aanay eegin uun tiradda.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Mudane Cismaan Aadan Jaamac ayaa sheegay inay ka wasaarad ahaan samaysteen qorshayaal lagu kobcinayo laguna horumarinayo waxbarashada sare ee Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladii wasiirka “Annagu ka wasaarad ahaan waxaanu samaysanay qorshayaal, waxaanu ka shirnaa oo aanu wakhti gelinaa tayada tacliinta guud, waxaanan u mahad celinayaa cid kasta oo nagala qayb qaadanaysa arrimahaas”ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gabo-gabadii shirweynahaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiim tahay sidii loo tayan lahaa waxbarashada guud ahaan qaranka Somaliland waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka “Waxaan jecelahay in aan jaamacaddaha usoo jeediyo inay ilaaliyaan tayada waxbarashada, waa muhiim in waxbarashada aynu tayasanno, qaranka ayay muhiim u tahay, annaguna insha Allaah waanu idin kala qayb qaadanaynaa barnaamijkan oo kale”.

FB_IMG_1544612698718 FB_IMG_1544612693572 FB_IMG_1544612658476 FB_IMG_1544612654448 FB_IMG_1544612632088 FB_IMG_1544612627245 FB_IMG_1544612622796 FB_IMG_1544612617899 FB_IMG_1544612612682 FB_IMG_1544612607788 FB_IMG_1544612603196 FB_IMG_1544612598318

COMMENTS