CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Safiirka USA + Warbixin xogo dahsoon
April 12, 2019 - Written by Cabays

CabaysHargeysa-JSL – (Cabays Media) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Muuse Biixi  Cabdi ayaa maanta oo Jimce ah ku qaabilay Madaxtooyad JSL safiirka dalka Marykanka u qaabilsan dalka Somaliya iyo arimaha Somaliland. Amb. Don Yamamoto oo dhamaadkii sanadkii tagey ee 2018kii madaxweyne Donald Trump u magacaabay, isla markaana waraaqihiisa safiirnimo gaadhsiiyey madaxweynaha ay bixiso dawlada Maraykan ciidamada ilaaliya ee African Union, Madaxweyne Faraamjo, ayaa kulankoodu ahaa kii ugu horeeyey ilaa iyo markii Amb/ Yamamoto la magacaabay.

 

 

Booqashada Amb, Don Yamamoto ee Somaliland hore uma dhicin sida safiirada kale ee Yurub oo maalmo kadib magacaabistooda kulano la qaata madaxda Somaliland, taas oo lagu sobobaynayo, dawlada Maraykanka oo taagnayd aragti siyaasadeed oo ka duwan ta Reer Yurub marka ay noqoto qadiyada JSL.

Hase ahaatee sida warsaxaafadeedka Madaxtooyada JSL soo dhigtay bogga ay ku leedahay Facebook, waxa lagu yidhi “Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya”

 

US-JSLDabcan Maraykanku ma aqoonsana madaxbanaanida jamhuuriyadeed ee Somaliland, laakiin waa garowsan yahay miisaanka ay JSL ku leedahay Geeska Afrika, waana tan keentay in waftiga Amb. Yamamoto si kastoo uu uga raagay Somaliland uu maanta booqasho ku yimaad Hargeysa.

Waxa kale oo War-saxaafadeedka Madaxtooyada JSL lagu sheegay oo lagu yidhi “Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID”

Sidoo kale bogga uu ku lee yahay Amb. Yamamoto Facebook -ga yaa la soo dhigay sawir madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka gudoomaya hadyad Amb. Yamamoto, waxaana la raaciyey qoraal kooban oo lagu yidhi “Amb,Yamamoto iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta kulmay si ay uga wada hadlaan arimaha siyaasada Geeska, horumarka iyo taageerada arimaha samo-falka bini;aadanimo”

Qoraalkani wa mid la mid ah kuwii Amb. Yamamoto kaga hadlay socdaaladii uu ku tagey Puntland & Jubaland, waana mid u muuqda in aayar uun qoraalkaa hore la soo dheegay, laguna dhex tuuray bogga Facebook-ga. waase mid ujeedo kale ka dambayso.

USJB USPTUSJSLL

Laguma faahfaahin qoraalka arimo kale, sida doorashada JSL iyo mid maalgashi midna. Qoraalka Amb, Yamamoto ayaa u dhignaa mid taxadir lagu qoray, sobobo badan oo la xidhiidha xidhiidhka Muqdisho oo la odhan karo wali rajo ayaa ugu jirta dawlada Maraykan, hase ahaatee dawlada Maraykanka wey ka qarsoomi kari weyday jiritaanka Somaliland, waana sobobta keentay in wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Amb. Yamamoto Somaliland ku yimaad, si kastoo eray ahaanba u sharaxo socdaalkiisa, waxa jira arimo aan dabuulka laga wada qaadin oo dhanka Somaliland uu Amb. Yamamoto si ka duwan kuwa Soomaaliya ugu soo diyaar garoobay, waad aragtaa marka aad daawato muuqaalka kulanka, waxa uu xambaarsan yahay noqol fayl ah oo uu ku yutussan yahay.

USJSL

Siyaasada dalka Maraykanka ee ku wajahnayd dalkii la isku odhan jiray Jamuuriyada Soomaalida ee ay ku midoobeen Somaliland iyo Somalia 1dii Juulay sanadkii 1960kii, soona afjarantay 18 May sanadkii 1991kii ayaan ilaa sanadkii 1993kii wixii ka dambeeyey sidaa waxba iska badalin, waxayna siyaasada dalkaasi ahayd mid ku foogan Muqdisho, qadiyada Somaliland-na aan sidaa mudnaan u siin, marka laga reebo xiligii xukumadii George W. Bush oo ay Kalkaaliyaha Arimaha Afrika ee Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykan ay timid Somaliland, waa Jendayi Elizabeth Fraze oo ahayd sarkaaladii ugu dambaysay ee heer darajo sare ah oo Somaliland timaad, inkastoo safiirada Maraykan ee ka horeeyey kan maanta ay si joogta ah u iman jireen Somaliland, si kastoo ay tahayba siyaasada Maraykanku.

Booqashada Amb. Don Yamamoto ee xiligan waa mid ku timid dabac siyaasadeed oo ka yimid xaga Washington DC, kadib markii xaalada siyaasadeed ee ay rajada ugu jirtay dawlad kasta oo USA ah ay haatan rajo dhigtay, sidoo kalena dhawaaqyo culayskooda leh oo ka soo yeedhay hay’adaha ay ka shidaal qaataan dhanka siyaasada ee  loo yaqaan Think Tank oo ay xubno mihiim ahi si taxane ah bilahan dambe uga hadlaan muhiimada Jamhuuriyada Somaliland, taas oo ay ku saleeyaan sida ayna Somaliland dalka Maraykan ugaga bixib lacago khasaare ah oo lagu bixiyo dagaalka Al-shabaab oo aan dhamaanay iyo xukumad fadhiid ah oo aan dhaafsiisanayn KM- 4. dalak Soomaaliya.

Sida ilo xogogaal ahi Cabays Media u sheegeen, booqashada Amb. Yamamoto oo hore Xamar isku koobay waxa doorkan keenay culays saaran Wasaarada Arimahad Dibada Maraykan iyo isbadal hor leh oo ka unkamay dhanka hay’adaha siyaasada sarjara, waxaana booqashada Amb. Yamamoto daba socda waftiyo laga abaabulayo dhanka Washington DC oo la filayo in ay Somaliland soo gaadhaan ilaa bisha lixaad ee sanadkan 2019ka kuwaas oo Somaliland u horseedayaa in ay hesho garowshiyo ka duwan kuwii ay siin jireen maamulka Washington DC , oo haatan uu hogaamiyo ka gudbay xayndaabyadii diblamaasiyadeed ee dano-wadajir ah oo siyaasadeed ilaalin jiray, balse haatan u badheedha siyaasado cusub oo uu ku ganaf-tuuro nidaamyo hore u yaalay, waa madaxweynaha US, Donald Trump oo haatan gaadhay qadiyada Somaliland oo ay la taliyaashiisu garowsadeen muhiimada ay Somaliland leedahay.

Sidoo kale JSL ayaa mar-qudha u noqotay madaxda Pentagon goob rajo gaklisay in ay dalka Djibouti oo noqday sambiil la iskugu keenay siyaasado iyo quwado isdiidan, sida Shiinaha iyo Maraykan oo madaxweynaha dalkaasi kawada kireeyey dhul ay saldhiyo milatari ka dhigteen, kuwaas oo Shiinihu yahay quwada cusub ee Geesk Afrika iyo qaaradaba ku leh saldhiga ugu weyn ee ka baxsan dalka Shiinaha. Saldhigaas cusub ee Djibouti ee Shiinuhu waxa uu noqday mid walaac galiyey madaxda miatariga Pentagon oo u arka in darisnimada cusub ee quwada Shiinuhu yahay mid halis ku ah, basle ay jiri karto fursad ay uga diga rogtaan dhanka Somaliland oo haatan saldhigii Berbera gacanta ku hayso xulifo Maraykan oo ah Imaaraadka iyo Boqortooyada Bitishka oo wada jira, inskastoo dadka Reer Somaliland loogu sheego in Imaaraadku Berbera saldhig ka dhigtay. Arintan Pentagon hogaankeedu waa mid sidoo kale Somaliland siiyey istirataajida cusub, balse hore u lahayd, inakstoo hore looga maagayey.

Dareenka Pentagon iyo xubno culus oo Washington ah, waxa ay Somaliland tooshka ugu ifiyeen sida ay u noqon karto mid xidhiidh intaa ka dhow Somaliland la yeelan karo Maraykan oo balaayiin Doolar laga baxaan Soomaaliyada 18 kun ee ciidamada Afrika la tacaalayaan in ay lugaha ugu taagaan, balse noqotay sidii foodto daloosha oo siyaasad hogaamiye yaal miyir-guuray ay ku dhaaminayaan, taas oo haatan u eeg mid soo afjarmaysa.

Si kastaba ha ahaatee waxa aynu eegnaa halka ay ku shubanto siyaadaha cusub ee la filayo ee ka imanay dalka Maraykanka oo ah kan ugu gacanta weyn dunida.

Cabays Media

London-UK

COMMENTS