CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo marti-qaad ka helay Itoobiya- yaa qaabilaya?
January 15, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media– Madaxweynaha Jahmhuuriyada Soamaliland Muuse Biiixi Cabdi ayaa dawlada Itoobiya soo gaadhsiisay marti qaad uu ku yimaad Addis Ababa todobaadkan. Sida ilo ku dhadhawo madaxtooyada Somaliland Cabays Media u sheegeen, madaxweyn Muuse ayaa la filayaa in uu bari ama maalinta Arbacada ah safar gaaban ugu boxo dalka Itoobiya isagoo ka jawaabaya marti-qaadka uu ka helay raysalwasaaraha dalkaasi, Hailemariam Desalegn Boshe.

Wasiirka Arimaha Dibada Jam. Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo isagu magaalada London ku jooga socdaaal ayaa isna la sheegay in uu soo gaabiyey socdaalkiisii si deg deg ahna maanta ugu baxat magaalad Addis Ababa si uu qayb uga noqdo waftiga madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ee Itoobiya ayaa la sheegayaa in uu qaadan doono laba maalmood, hase ahaatee waxa aan la hubin nooca qaabilaadeed ee uu kala kulmi doono, siiba in uu ka sarayn doono kii Djibouti iyo kale. Hase ahaatee wararka Cabays Media soo gaadhaya ayaa sheegaya in xidhiidhaka madaxweyne Muuse Biixi la leeyahay madaxda dalka Itoobiya ugu saraysaa uu aad u wanaagsan yahay, isla markaana la filayo in si heer sare ah loo qaabilo.

Madaxwyen Muuse oo si adag ula hadli doona Itoobiya

Madaxwyen Muuse oo si adag ula hadli doona Itoobiya

Arimaha la fialay in ay ka wada hadlaan ayaan wali cadayn, hase ahaatee socdaalkan ayaa noqon kara mid ay arimo door ah ka wada hadlaan, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Raysalwasaare Hailemariam Desalegn Boshe. Aarimahaas ayaa ka mid noqon kara dhanka amaanka iyo taageero ay xukumada Itoobiya weydiisato in aan dhanka Somaliland wax taageero noocaydoonto ha ahaatee ka hekin jabhada Oromada oo aad u kacasan iyo in sidoo kale Itoobiya iyo Somaliland haatan bilaabaan xidhiidh boodhka laga tumay ka dib markii uu aad u dabcay mudadii uu madaxweyne Siilaanyo dalka xukumay oo Somaliland u muuqatay mid la tabayey hogaamiyaheedii oo xaalada caafimaad la soo darista, hanaanka dawliga ahina si hufan u socon.

Sidoo kale madaxweyne Muuse ayaa laga yaaba in ay dawlada Itoobiya kala hadasho xaalada xuduuda Somaliland iyo Somaliya iyo xiisada ka oogan., Itoobiya ayaa iyadu dhex ka ah khilaafaadka Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna qaadan kartaa kaalin odaytinimo in aanu dagaal dhexmarin ciidama Somaliya iyo kuwa Somaliland.

La soco warkan wixii ka soo kordha.

Wararka Cabays Media

COMMENTS