CABAYS.COM
Madaxweyne Muuse Biixi iyo waftigiisii oo madaxtooyadda Imaaraadka lagu qaabilay – maxaa la isla soo horfadhiisanayaa?
March 14, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media: Waftigii uu hogaaminayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee fiidnimadii Salaasadii gaadhay magaalada Abu Dhabay ee caasiamda dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu qaabilaya qasriga madaxtooyada Imaaraadka, halkaas oo uu ku qaabilay raysal-wasaare xigeenka , ahna wasiirka madaxtooyada, Mansour bin Zayed Al Nahyan.

Qaabilaada waftiga ee maanta ayaa ahaa mid loogu gogol xaadhayo kulan heer sare ah oo labada madaxweyne ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Imaaraadku yeelanayaan.

Sida ilo ku dhadhwo madaxweynaha JSL Cabays Media ka soo xigtay waxa madaxweyne Muuse Biixi kulanka dhankiisa kala hadlidoonaa madaxweynaha dalka Imaaraadka qodobo ay ka mid yihiin sida dawlada Imaaraadku uga caawin lahayd dagaalka siyaasadee ee xukumada Muqdisho bilowday ee ay kula jirto Jam. Somaliland, siiba dhanka Jaamacada Carabta oo doorkan dalka Imaaraadku gudoomiyo Jaamacada Carabta, Sidoo kale waxa la filayaa in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kala hadlo madaxweynaha dalka Imaaradka sidii ay Jam. Somaliland dawlada Imaaraadku  gacan ka siiso sidii ay xidhiidh ugu furi lahayd wadamada aadka ay saaxiibada u yihiin dawlada Imaaraadku, sidii baasaaboorka Jam. Somaliland dalkaasi loogu soo gali lahaa.

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu kala hadlo dawlada Imaaraadka arimaha ku ladhan heshiisk shirkad DP World ee maalgashanaysa dekeda Berbera iyo saldhiga milatari  ee dawlada Imaaradka laga siiyey isla magaalada Berbera. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan la filayn in dawlada Imaaraadka u soo ban dhogin arimo samafal oo hoose, waxaana la dareemyaa in uu aad u dareensan yahay fursadda weyn ee uga soo baxday Jam. Somaliland khilaafka dawlada Imaaraadka iyo Djibouti ee ku saabsan heshiiskii dekeda Dooraale ee dawlada Jabuuti sida khasabka ah kala wareegtay shirkad DP World oo haatana ay dacwadi uga bilaabmatay magaalada London.

Dhanka kale dawlada Imaaraadka ayaa  iyaduna dhankeeda soo hordhigdoonta qodobo ay doonayaan in ay kala hadlaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Dawlada Imaaraadka oo og xiisada ay dhalisay maalgashiga shirkad DP World ee Berbera iyo khilaafka Djibouti waxa suurto gal ah in la lasoo qaado dawlad Djibouti.

Sidoo kale waxa ay madaxweyne Muuse u sheegi doonaan talaabada ay ka qaadayaan dawlada Farmaajo oo iyagu hadda u arka in ay xulifo la tahay dalka Qatar oo wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadku xidhiidhka u gooyeen.

Socdaalka Madaxweyne Muuse Biixii ee Abu Dhabai waa mid maalmaha soo socda daaha uu ka rogmidoono naiijooyinka ka soo baxa, waliba sida Imaaraadku uga jawaabo dalabka Somaliland.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka qaabilaadii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo warbixin kooban oo muuqaal ah.

COMMENTS